Cabitaanka Sigaarka oo la Ogaadey Inay Waxyeelayso Ilmaha Xilliga uu Uurka Ku Jiro

0
275

Khubarro dhanka caafimaadka ah kana socotay jaamacadda British University  of Bradford ayaa natiijo hor dhac ah oo ay soo saareen ku sheegay in sigaarka cabitaankiisu waxyeelo soo gaadhsiiyo ilmaha yar marka uu uurka ku jiro.

Khubaradan oo muddo soo waday daraasadan ayaa sheegay in ay ogaadeen in qiiqa sigaarku uu waxyeelo heer dhimasho ah gaadhsiiyo ilmaha yar xiliga uu uurka ku jiro, iyaga oo intaas ku daray in uu ilmuhu caloosha hooyadii ka qaado sigaarka ay cabayso ama aabihii cabaayo ee ay qiiqiisa qaadato hooyado xanuuno kala duwan oo ay kamid yihiin xanuunada dhiga ku dhaca iyo xanuuno kale oo uu ka mid yahay Cancer-ku.

Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in uu sidoo kale dhibaato u geysan karo hooyada lafteeda, madaama oo ay qaadanayso qiiqa sigaarkaasi , kaas oo waxyeelayn kara marwalba sambabada hooyada.

Waxay khubaradani sheegeen in xiliga ilmaha yari ku jiro ilma galeenka uu suntan sigaarka ka heli karo dhiiga hooyada ka imanaaya jidhkeeda ee loogu talo galay in ilmahaasi yar lagu quudiyo, waqtiyada dambena uu si toosa u qaadan karo qiiqaasi.

Waxaanay khubaradani usoo jeediyeen raga inay sigaarka joojiyaan ka hor saddex bilood inta aanay hooyadu uurka qaadin, iyada oo waqtigaasi ku filan yahay hooyada iyo ilmaha yarba.

Leave a Reply