Duqayn loo Gaystay Masaajid oo lagu Dilay 46 Ruux

0
276

Afartan iyo lix ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii duqayn dhanka cirka ah lagu qaaday masaajid ku yaalla tuulo ay mucaaradku maamulaan oo ku taalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Milateriga Mareykanka ayaa diiday inuu  geystay  duqeynta masaajidka, haseyeeshee waxa u qirey  inuu weearar ku dilay maleeshiya Alqaacida ah.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay al-Jineh oo ka tirsan gobolka Xalab.

Kooxdan la socota xaaladda oo fadhigoodu yahay UK oo wararka ka hela dad ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in masaajidka la weeraray ay ka buuxeen dad tukanayay salaadda cishaha.

Kooxdani waxay sheegtay in dadka la dilay badankoodu ay ahaayeen shacab.

Tuuladan ayaa ku taalla mid ka mid ah deegaannada ugu waawayn ee ay mucaaradku Suuriya haystaan.

Ma cadda cidda sida rasmiga ah uga dambaysay weerarkan, laakiin diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Suuriya ayaa gobolkaas duulimaadyo ka sameeya.

Maraykanka ayaa sidoo kale duqaymo xagga cirka ah u gaysta dadka jihaad doonka ah ee deegaanadaas ku nool.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii 31 ruux lagu dilay weerar qarax ah oo lagu bartilmaameedsaday dhismaha maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Bamka Dimishiq lagu weeraray ayaa ku soo aaday lix sano guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii lagaga soo horjeeday madaxweyne Bashar al-Asad

Waxaa dagaalada ku dhintay 320,000 oo qof, waxaana ku baro kacay 11 milyan, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa.

Leave a Reply