Kulanka Merkel iyo Trump ee Washington

0
306

Madaxweyne Donald Trump ayaa la sara kacay sheegashada ah inuu maamulkii Obama  dhegaystay telefoonkiisa, isaga oo taasi dhegta ugu ridaya hogaamiyaha Jarmalka ee booqanaysa isaga, Angela Merkel: Waxaanu sheegay in laga yaabo in  ay ugu yaraan jirto wax ay wadaagaan, taasi oo uu ula jeedo in labadooduba uu maamulkaasi dhegaysatay telefoonadooda.

Hogaamiyaha dalka Jermalka Angela Merkel oo kulan Washington kula leh  madaxweyne Donald Trump, ayaa  waxyaabaha u waawayn ee ay ka wada hadli doonaan  waxaa ka mid ah hindisaha ganacsi ee Yurub iyo Maraykanka ee ‘transatlantic trade’ loo yaqaano iyo gaashaan buurta Nato.

Trump ayaa Jermalka ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan difaaca wuxuuna ugu goodiyay in Maraykanku uu kharashaadka ku kordhin doono shirkadahooda gawaaadhida sameeya.

Merkel waxaa kulankaas ku wehelinaya madaxda sarsare ee shirkadaha Jermalka ee kala ah Siemens, Schaeffer iyo shirkadda gawaadhida ku caan baxday ee BMW.

 

Booqashadeeda waxaa la sii qorsheeyay in ay dhacdo  salaasadii laakiin waxaa loo baajiyay baraf dabaylo watay.

Kulanka Jimcaha ka hor Merkel waxay wargeys Jermalka ka soo baxa u sheegtay in ay danaynayso kulanka koowaad ee ay la yeelanayso madaxweyne Trump.

 

Leave a Reply