Dalka Chine oo Laga Helay Dhismeyaal Ahraam ah oo Cusub

0
301

Wadanka Chine ayaa laga helay goobo taariikhi ah, goobahaas oo ay ku yaalaan dhismeyaal Ahraam ah, kuwaas oo u dhisan siday u dhisan yihiin Ahraamta dalkaasi Masar, inkasta oo ay kuwani laga helay Shiinuhu yihiin kuwo aad uga yar yar kuwa dalka Masar.

Dhismeyaashan ayaa ah kuwo laga helay badhtamaha wadanka Shiinaha goobo kamid ah, waxaana markii ugu horeysay arkay dadka degaankaasi , iyaga oo ku wargeliyey wasaaradda Dhaqanka ee dalkaasi oo iyaduna ku samaysay baadhitaano kala duwan.

Dhismeyaashan ayaa ku yaala magaalada Zhengzhou ee gobolka Henan , iyada oo waqtigan baadhitaan lagu wado xiliga la dhisay in la ogaado iyo in la ogaado sibidhka lagu dhisay ama waxyaalaha ay ka samaysan tahay.

Warbaahinta dalkaasi Shiinaha oo qoraal ka samaysay Ahraamtan la helay ayaa ku tilmaantay kuwo aad uga yar yar kuwa ka dhisan wadanka Masar, waxaanay intaasi ku dareen inay ku dhex yaalaan Ahraamtani dhismeyaal kale, waxaanay u muuqdaan siday qoraalkaasi ku sheegeen kuwo dhismeyaal kale ka hooseeyaan oo wax lagu qarin jiray.

Qaybo kamid ah dhismeyaashan ayaa iyagana laga helay meel u dhow  webiga lagu magcaabo  Yellow River, kuwaas oo u muuqda inay boqoraddii halkaasi deganaa isticmaali jireen, sida lagu sheegay warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska Haunqiu oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.

Dhismahan ayaa dhererkiisu yahay ilaa 30 meter, waxaanay khubarada baadhitaanka samaynaysay sheegeen in laga yaabo inay dhismeyaashani jireen muddo ku siman ilaa 2000 oo sanno.

Dhismeyaashan ayaa la rumaysan yahay inay samaysatay boqortooyadii lagu magcaabi jiray Han Dynasty  intii u dhaxaysay 206 iyo 220 BC.

Leave a Reply