“Waxaanu Qabanay Nin Lagu Eedeeyay Inuu Inan la Baxsaday, Laakiin Waxba Kama Jiraan Wixii Dadka Shakiga Gelinaya” Taliyaha qaybta Booliska Togdheer

0
272

Burco(Dawan)- Taliyaha Qaybta booliska gobolka Togdheer, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Muuse Cabdilaahi, ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Togdheer uu nabadgelyo yahay wax dhbaato ahina aanay  ka jirin. waxa kale oo uu intaa ku daray in warar badan oo been abuur ah gobolka in laga faafiyay oo sheegaya in dad sixirooleyaal ahi  in ay dad sixreen  oo ay kaxaysteen.

waxaanu bulshada gobolka u soo jeediyay in aanay sas qaadin oo aanay carruurta dugsiyada kaga joojin wararba been abuurka ahna ay iska hubsadaan.

 

Taliyuhu wuxuu sidaas ku sheegay waraysi  gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka  ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Burco.

“Horta wararku way iska badan yihiin dadkana waxaa lagu soo dhex tuuray warar badan oo aan jirin oo been ah oo wararka sheegaya in dad badan la sixray amma la kaxaystay iyo carruur la qafaashay midna ma jirto wararkaasina waa kuwo aad ugu  badan dhegaha dadka laakiin aan jirin,waxaa keliya ee na soo maray wuxuu ahaa hal kiis aoo ah inan(gabadh) sheegtay in nin gaadhi wataa  uu wax saaray oo ay miyir beeshay ka dibna uu la baxsaday inantiina dhakhtar ayaanu geynay oo way wanaagsan tahay gaadhigii iyo  ninkii watayna waanu soo  qabanay markaa waxaan bulshada u soo jeedinayaa in ay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah,”ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Guud ahaan gobolku waa nabadgelyo wax dhibaato ahina kama jiraan waxyaabaha ugu badan ee xilligan aanu ka hawl galno ee gobolka  aanu kala dagaalano waxaa ka mid ah Khamriga oo meelo kala duwan gobolka laga soo galiyo laakiin nabad gelyadu way wanaagsan tahay wararka sheegaya in dad la sixrayo iyo dad dhiigga laga shubanayo waxaasi ma jiraan ee yaan war kasta oo been ah yaan la qaadan.”

Taliyaha oo farriin u dirayay bulshada gobolka Togdheer,ayaa  yidhi, “Bulshada gobolka Togdheer waxaan u soo jeedinayaa in ay nabad gelyada nagala shaqeeyaan oo wax kasta oo ay ka shakiyaan ay la soo socod siiyaan booliska waxaa kale oo aan farayaa gud ahaan taliyeyaasha saldhigyada booliska ee gobolka Togdheer in ay ka hawl galaan guud ahaan wararka ay bulshadu oo gaadhsiiso.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply