Golaha Wasiirrada oo Yeellanaya Shir Lagu Lafo-gurayo Xoojinta Qorshaha Gurmadka Abaaraha

0
237

Hargeysa(Dawan)-Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), waxa Goluhu ku guddoonsadeen si mug leh loo ballaadhiyo gurmadka iyo qeylo-dhaanta abaarta adag ee ka jirta gobollada bariga Somaliland. Waxaanay arrintaasi ku sii amboqaadayaan fadhi aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan maanta oo Sabti ah.

 

Shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiistii oo uu guddoominayay madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa Goluhu warbixinno kala duwan ka dhegaysteen Wasiirro iyo xubno ka mid ah Guddida gurmadka abaaraha, sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) oo u qornaa sidan:-

“Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii 16.03.2017-ka oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa lagaga war bixiyey isla markaana lagu lafo-guray dhawr arrimood oo muhimad gaar ah u leh Qaranka. Arrimaha lagaga hadlay waxa ugu muhiimsanaa saddex arrimood oo kala ahaa:

 

Warbixinta Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenka ee u kicitimay Imaaraatka Carabta;

Warbixin la xidhiidha Safarkii Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Nairobi;

Warbixin la xidhiidha Xaaladda Abaaraha ee sii adkaanaysa;

 

Shirkan Golaha Wasiirrada oo qaatay saacado badan, ujeeddada Safarkii uu hoggaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenka ee u kicitimay Imaaraatka Carabta waxa warbixin faahfaahsan Golaha ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo ku dheeraaday sida ay xukuumad ahaan uga go’an tahay in si buuxda loo meel mariyo Mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka u ah qaranka. Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in Dalkeennu uu la jaan-qaado dhaq-dhaqaaqyada iyo isbeddellada dhaqan-dhaqaale, kuwo amni iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ka socda mandaqadda aynu ku naalo. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu Shirkii Golaha Wasiirrada ka sheegay in ay xukuumad ahaan iyo shacaba waajib inagu tahay inaynu dunida ku yeelano saaxiibo iyo xulufo ay innaga dhexeeyaan dano dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo kuwo isteraatijiyadeedba.

Waxa isaguna warbixin faahfaahsan Golaha siiyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-Tire), kaasoo si mug iyo miisaanba leh uga warbixiyey safarkii uu ku tagay Nairobi, waxyaabihii u soo qabsoomay, fursadaha dal ahaan inooga bannaan halkaa iyo sidii aynu qaran ahaan uga faa’iidaysan lahayn mashaariicda iyo hawlaha kala duwan ee ay Ururrada Caalamiga ahi ka wadaan Nairobi.

Shirkaas  waxa si qoto-dheer Madaxweynaha iyo Golahaba warbixin siiyey xubno ka mid ah Guddida heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha, kuwaasoo si mug leh uga warramay guud ahaanba saamaynta iyo waxyeelada dhinacyada badan leh ee ay Abaaruhu u geysteen dadka iyo duunyadaba. Sidoo kale, Guddida heer Qaran ee Taakulaynta Abaarahu waxay si waafiya uga war-bixiyeen qaabka hawl gal ee Guddida, wixii u qabsoomay, wixii weli ka qabyo ah, caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmeen. Waxa kale oo ay Golaha uga warameen wixii Guddida hanti soo gashay iyo qaabka ay u maamuleen. Sidoo kale waxay ka xog-warameen baahiyaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah bedbaadada nolosha Bulshada ay Abaaruhu tabaaleeyeen, sida Biyaha, Raashinka, Nafaqada, Caafimaadka iyo Calafka Xoolaha wixii weli sii nool.

Guddida Taakulaynta Abaaruha  Qaranka ayaa 5-tii cisho ee ugu dambeeyey waxay yeesheen kulanno is-daba joog ah oo ay ku lafa gurayeeen sidii  Xukuumad ahaan, Ganacsato iyo Shacaba jawaab muuqata iyo talo-midaysan looga yeelan lahaa arrimha Abaaraha, isla markaana loo sii xoojin lahaa Qaylo-dhaanka loo dirayo Bulshada Caalamka iyo ummadda JSL ee gudaha iyo dibeddaba taasoo loogu gurmanayo Abaaraha Baahsan ee ka jira Dalka.

Warbixintii ay Guddida heer Qaran ee Gurmadka Abaaruhu Golaha siiyeen waxay si weyn uga dayriyeen culayska Abaaraha baahsan ee ka jira Dalka oo dhan, kaasoo sii laba-jibaarmay, maalinba maalinta ka dambaysana ka sii adkaanaya. Guddidu waxay Golaha u soo jeediyeen in loo baahan yahay in talo Qaran oo midaysan laga yeesho Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha isla markaana la dejiyo Qorshe iyo Isteraatijiyad cad oo loogu Gurmanayo bulshada JSL ee ay Abaaruhu tabaaleeyeen.

Shirkii Golaha Wasiirrada, waxa iyaguna ka hadlay Wasiirro aad u badan (kuwo ay Wasaaradahooda si toos ah u khusayso iyo kuwo kaleba), waxayna aad ugu gorfeeyeen saamaynta iyo waxyeelada dhinacyada badan leh ee ay Abaaruhu u geysteen dadka iyo duunyadaba. Waxa kale oo ay ka hadleen sida ay Abaartu u wiiqday awoodii wax-soo-saarka, wax kala iibsiga, wax soo dejinta iyo guud ahaanba dakhligii Qaranka ka soo geli jiray Xarakaadka suuqyada Ganacsiga iyo sayladaha iibka iyo dhoofka xoolaha.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiista waxa si aan loo kala hadhin looga soo soo jeediyey sidii qaylo-dhaan iyo baaq dheer loogu diri lahaa Bulshada Caalamka iyo ummadda JSL meel kasta oo ay ku nool yihiinba isla markaana loogu beraarujin lahaa khatarta iyo halista ay ku sugan yihiin in ka bada Laba Milyan oo qof oo reer Somaliland ah. Sidoo kale, Shirkii Golaha Wasiirrada waxa laga soo jeediyey, maadaama ay Abaartii inagu daba dheeraatay, in loo baahan yahay in Xukuumad ahaan la qaato go’aanno adag oo lagula tacaalayo Abaaraha, isla markaana la dejiyo Qorshe iyo Isteraatijiyad Qaran oo midaysan oo ku wajahan Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiista 16.03.2017 oo soo gaba-gaboobay 2:30 duhurnimo, waxa loo ballamay in laga bilaabo Sabtida maanta   (18.03.2017) Golaha Wasiirradu ay yeeshaan kulamo aan caadi ahayn oo is-daba joog ah oo lagu lafa gurayo Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply