Xildhibaan ka Tirsan Waddani oo ku Hanjabay Inuu Maamul Goboleed Kaga Dhawaaqi Doono Saaxil

0
286

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku hanjabay hadallo lid ku ah qaranimada iyo dawladnimada Somaliland, waxaanu sheegay inuu maamul goboleed ka sameyn doono gobolka uu ka soo jeedo ee Saaxil.

 

Xildhibaanka oo shalay u waramay warbaahinta, wuxuu cambaareeyay go’aankii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen wadahadalka xukuumadda Somaliland la bilowday kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh.

“Wax la ansixiyay lama garanayo, mudaneyaashu waxa aanay fahamsanayn  in gacantoodu sharci tahay. Waxa laga yaabaa waxa la ansixiyay inay fari meelo kale inala xusho oo ay maamul goboleed u noqoto Khaatumo. Waxa la ansixiyay waxay noqonaysaa xukuumad, xukuumad ka dul dhisan, sharcigiina waa lagu tuntay,”ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

 

“Waxaan shacbiga kula talinayaa  in saddex xaalo ka shaqeeyaan,  cid alaale cid aynu ku kalsoonaano ama gole ha noqoto  ama xukuumad ha noqotee   oo qaranimadeennii innoo haysa oo aad ku seexanaysaan  oo aad ku soo toosaysaan ma jirto. Hadii xaalku  sidaas noqdana  Saaxil State (Maamul goboleed)  ayaan ku dhawaaqi doonaa  hadii   dalka sidan laga  dayn  waayo,”ayuu ku tiraabay Xildhibaanku.

 

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu ka mid yahay  dadka nashuushadeeya ee ka soo horjeeda heshiisyada maalgashiga dekedda Berbera iyo Saldhigga imaaraadku ka furanayo dalka, waxaanu ka mid yahay ashkhaasta mar walba caarida horumarka ay samaynayso Xukuumadda Somaliland.

 

Hadalkan ayaa haddii Xildhibaanka lagu soo gole joojiyo, waxa uu ku mudan karaa in xasaanada lagaga qaado si sharciga loo horgeeyo, waxaanu dafiray sharciyadii dawladnimo ee Somaliland.

Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply