Kurdiyiinta oo Mudaharaaddo ka Dhan ah Erdogan ka Dhigay Jarmalka

0
292

Qiyaastii 30,000 oo Kurdiyiinta Turkiga ah ayaa banaan bax ay kaga soo hor jeedaan madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ka dhigay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Dadka mudaharaadayey waxa ay iskaga yimaadeen dalka Jarmalka oo dhan maalmo uun ka hor dhalashada sannadka cusub ee Kurdigu.

Waxay dalbadeen hanaan dimuqraadi ah, Shacabka dalka Turkigana waxay ugu baaqeen in ay MAYA ugu codeeyaan dastuurka cusub ee kordhinaya awoodaha madaxweynaha ee bisha dambe aftida loo qaadayo. Qaar badan oo dadka bannaan baxayey ka mid ah ayaa sitey calaamado iyo calamada xisbiga la mamnuucay ee PKK.

Turkiga ayaa cambaareeyey bannaan baxan oo ku tilmaamay wax aan “la qaadan karin” waxaanu Jarmalka ku eedeeyey in munaafaqnimo darteed ruqsadda isku soo baxaa u siiyey mudaharaadayaasha.

Is maandhaaf diplomaasiyadeed oo u dhexeeyey labada dal ayaa cirka isku sii shareeray, kaas oo ka dhashay markii laba todobaad ka hor dawladda Jarmalku u diiday wasiirro Turki ah in ay abaabulaan bannaan baxyo dawladda lagu taageersan yahay.

Af-hayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in “ay tahay wax aan la qaadan karin in banaan baxaa lagu arko calamada PKK iyo hal ku dhegyadooda, iyadoo wasiiro iyo xildhibaanno Turki ahna laga hor joogsaday in ay la kulmaan muwaadiniintooda”.

 

Leave a Reply