Qoddobada Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu kala Saxeexdeen

0
383

 

AbuDhabi-(Dawan)- Dawladaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaaraadka carabta, ayaa shalay si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalada  Abu-Dhabi, heshiis dawladda imaaraadku kaga furanayso saldhig Millatari madaarka magaalo-xeebeeda  Berbera ee gobolka Saaxil oo  qoddobadiisa ay ku jiraan in Imaaraadka Carabtu ka difaaci doonto Somaliland haddii weeraro gar-darro lagu soo qaado xuduudaheeda Cirka, Dhulka iyo baddaba.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi  Ismaaciil (Saylici) oo goob-joog ka ahaa saxeexida heshiiska oo shalay lagu qabtay  magaalada Abu Dhabi,  ayaa Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire oo dhinaca Somaliland uu u  metelayey shaaciyey in muddo saddex sannadood gudahood lagu hirgelin doono dhismaha waddada u dhexaysa magaalada Berbera iyo magaalada ganacsiga ee Tog-Wajaalle.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayey qoddobada heshiiska ay shalay la saxeexdeen dawladda Imaaraadka Carabtu wuxuu yidhi, “Maanta (shalay) oo Axad ah bishuna tahay 17 March, waxa heshiis ku kala saxeexday magaalada Abu Dhabi, dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, heshiiskaas oo koobaya iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Arrimaha Dibedda, kaasoo ku salaysan go’aankii Baarlamaanka Somaliland ka soo baxay 12 Feberuary 2017. Heshiisku wuxuu ka kooban yahay qodobaddan:

Dawladda Somaliland oo ogolaansho siisay in ciidammada dawladda Imaaraadka Carabtu isticmaalaan madaarka diyaaradaha ee Berbera.Dawladda Imaaraadka carabtu waxay ka dhisi doontaa madaar cusub magaalada Berbera, oo isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka ah, taasoo macnaheedu yahay in Berbera yeelan doonto laba madaar. Jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale oo dhererkeedu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono. Mashaariicda kale ee la fulin doonaa waxay la xidhiidhaan Biyaha, Tamarta, Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxaana la fulin doonaa saddexda sannadood ee soo socda:

  1. Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadiniinta reer Somaliland.
  2. Dawladda Imaaraadka carabtu waxay taageeri doontaa shirkadaha ganacsiga Imaaraadku inay maalgashadaan Somaliland.
  3. Dawladda Imaaraadka carabta iyo Dawladda Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca amaanka. Wuxuu heshiiskani albaabo cusub u furayaa xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka.”

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad ayaa sheegay in labada dawladood isla garteen in Imaaraadka Carabtu gargaar rasmi ah gaadhsiiso dadka ku tabaaloobay abaaraha.

 

Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay muhiimada saxeexa shalay dhexmaray jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, wuxuu yidhi, “Runtii maanta (shalay) waa maalin qiimo weyn u yeelan doonta taariikhda Somaliland, wuxuu noqonayaa heshiisyada ugu waaweyn ee Somaliland la gasho dunnida caalamka.”

Md. Saylici oo faahfaahin ka bixiyey faa’iidada heshiiskan saldhigga millatari u yeelanayo shacabka iyo dalka Somaliland, wuxuu yidhi, yidhi, “Saldhigga Millatari ee aanu siinay dawladda Imaaraadka Carabta waxay noogu bedaleen mashaariic laga fulin doono Somaliland, kaasoo ugu muhiimsan yahay mashruuca waddada u dhaxeysa Berbera iyo Tog-wajaale, oo hal-bowle ganacsiga Somaliland ah.

“Waxaan ugu bushaaraynaynaa ummada Somaliland in dalka Imaaraadka carabta oo taariikh dheer oo soo jireen ah la lahaayeen awoowayaasheen heshiiskani sii ballaadhin doono, isla markaana waxtar siyaasadeed iyo mid dhaqaale u soo kordhin doono Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Sannadkii horena waxa dawladda Somaliland heshiis maalgashi ay la saxeexatay shirkada dekadaha ka shaqeysa ee DP World, kaasi oo ay ku baxayso lacag dhan $442 milyan doolar.

Saxeexda heshiiska labada dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa la saadaalinayaa inuu wax badan ka bedalo argtidii beesha caalamku ka qabtay arrimaha Somaliland, isla markaana dariiqa u furi doona in waddamada caalamku indhahooda u soo jeediyaan maalgashiga kheyraadka dalka, maadaama heshiisku sii xoojinayo guud ahaan amaanka Somaliland.

Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply