Sucuudiga oo Dib u bilaabay Shidaal uu Siin Jiray Masar

0
274

Xukuumadda Masar ayaa sheegtay in ay soo gaadhay shixnaddii ugu horraysay ee shidaal ah oo ka timid Sucuudiga ka dib muddo dhawr bilood ah oo shidaalkaa la hakiyey.

Wasiirka baatroolka Masar, Daariq Al-Mula, ayaa sheegay in dalkiisu kala wareegay shirkadda Aramco ee Sucuudiga laba shixnadood oo naafto ah Jimcihii iyo Sabtidii, waxaanu intaa ku daray in shixnado kale oo shidaal ahi dalka soo gaadhi doonaan dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee Maarij.

Al-Mula oo ka hadlayey telefishan maxalli ah ayaa sheegay in qiimaha shidaalkan amaahda ah ee Sucuudigu dalkiisa siiyay ay bishiiba yahay inta u dhaxays 320 ilaa 340 milyan oo doolar, hase yeeshee bixinta amaahdaas dalka Masar laga sugi doono muddo shan sanadood ah, ka dibna ay hafto ku bixin doonto.

Warkani wuxu soo baxay maalmo uun ka dib markii wasaaradda baatroolka Masar shaacisay in shirkada Sucuudiga ee Aramco ay dib u bilaabi doonto shidaalkii ay dalka Masar siin jirtay. In kasta oo Masar bishii Noofember ee la soo dhaafay sheegtay in ay shidaalka ay u baahantahay ka soo waaridan doonto suuqyada caalamiga ah ka dib markii Aramco ka joojisay shidaalka dalkaas.

 

Leave a Reply