Xeelado Lacago Lagaga Dhacay Qaar ka mid ah Macaamiisha Telesom ee Isticmaala Adeega ZAAD

0
949

Hargeysa (Dawan)- Tuugo casri ah oo adeegsanaya farriimo been-abuura, ayaa lacago badan ka dhacay muwaaddniinta reer Somaliland ah, gaar ahaan macmiisha adeegga ZAAD-ka ee shirkadda Telesom, iyadoo dhibaatada arrintaas si weyn looga dareemay dalka, siiba caasimadda Hargeysa addexdii maalmood ee u dambeeyey.

Farriimo been-abuur ah oo loo ekaysiiyey adeegga lacagaha telefoonnada la isku diro ee EVC PLUS oo ay leedahay shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud oo ka shaqaysa Soomaaliya, ayaa telefoonnada loogu diray macmiisha istimaala adeega ZAAD ee Telesom/Somaliland, iyadoo cidda been-abuurka adeegsanaysaa ay isla markiiba la soo hadasho macmiilka ay telefoonkiisa fariinta ugu soo direen, kana codsanaya inay kaga soo khaldantay lacag ay cid kale u dirayeen, sidaas darteedna ay dib ugu soo celiyaan, kadibna macmiilka fariinta loo soo diray uu lacag dib ugu diro telefoonka lagala soo hadlay.

Farriimaha ay adeegsanayaan tuugadan casriga ahi waxa ka mid ah; “(-EVCPLus-) $100 ayaad kaheshay Cabdisalaan Caabbi Jaamac, haraagaagu waa $480.” Taas oo laga soo dirayo lambar 0612933142, iyadoo magaca lambarkan ku diiwaangashan yahay Cabdulaahi Maxamuud Cabdi, taasoo keentay in dad badan oo fariinta been-abuurka noocan ah helay ay qofka la soo hadlay u diraan lacag dhan $100 doollar oo telefoonka ugu jirtay, waxayna dad tuugta ah ay beddelaan lambarada ay adeegsaan, kuwaasoo  marka ay lacagta kala baxaan tuura lambarka ay dadka ku dhaceen.

Shirkadda telesom, ayaa fariin qoraal ah (message) u kala dirtay macmiisheeda ku dhaqan Somaliland maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 18 March 2017, kaasoo dadka looga digay inay habka been-abuurka ah ee lagu dhacay lacagaha ku jira adeega ZAAD-ka.

“Macmiil farriimaha lacagta ZAAD waxay ku soo dhacaan 898 iyo 222 oo kala ah doollarka iyo shillinka. Haddaba, fadlan iska jir farriimaha laga soo diray lambar caadi ah ee loo ekaysiiyey lacag ZAAD ah, hana celin ilaa aad hubiso hadhaagaaga,” ayey tidhi shirkadda Telesom.

Muwaadiniin farada badan oo reer Somaliland ah, ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey lacago tiro badan lagaga dhacay habka tuugada  casriga ah oo adeegsanaya xidhiidhka lacag isku-dirista ee Soomaaliya oo soo dhexmaray shirkadda TELESOM ee Somaliland, kuwaas oo aan ilaa hadda ogayn meel ay u raacaan lacagta laga dhacay.

Habka tuugada ee loo adeegsaday farriinta been-abuurka ah, loona ekaysiiyey EVC PLUS ee shirkadda Hormuud, ayaa lacago badan lagaga dhacay muwaaddiniin macmiil u ah shirkadda Telesom, gaar ahaan adeegga ZAAD-ka, waxana xarumaha shirkadda tageen dad badan oo ka cabanaya lacago laga dhacay.

Hase yeeshee, shirkadda TELESOM, ayaa diiwaangelisay muwaaddiniinta lacaguhu ka maqan yihiin ee cabashooyinkooda u gudbiyey, isla markaana arrintan kala hadashay shirkadda ay mataanaha yihiin ee HORMUUD oo xarunteeda guud tahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna macmiil kasta oo dacwad u gudbiya Telesom loo diiwaangeliyey si wax looga qabto dhibka soo gaadhay, balse weli xaqiiqo buuxda lagama hayo tuugta habka casriga been-abuurka ah u dhacay macmiisha adeegga ZAAD.

Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply