Codadka Cabsida Leh ee ka Soo baxaya badweynata!

0
314

Sheekooyinka sayniska ah ee yaabka leh ee sanadkii hore la ogaaday ayay ka mid ahay qaylo ka soo baxaysa badda fog ee lagu magacaabo Nunavut hoosteed, badaasi oo ku taalla waqooyiga Kanada. Qayladaasi ayaan ilaa wakhtigan la ogaan waxa sababaya.

Bishii Novemeber ee sanadkii hore ayay saraakiisha Canada sheegen in aanay garanayn meel uu ka soo baxayo dhawaaqa qayldu , waxayna cadeeyeen inay u direen ilaalo ciidan military ah laakiin aanay waxba ka soo helin goobahaasi.  Kooxaha Kaluumaysatada ee deegaankaasi ayaa sheegay in dhawaaqaasi uu yahay mid cabsi geliyay Kaluunkii iyo weliba xayawaano kale oo beriga joogay oo ka cararay aagag qayladda laga maqlayo.

Dadka qaarkood ayaa sheegay inay yihiin shirkadaha macdanta baadhanaya sida shirkadda Greenpeace laakiin shirkadaha macdanta ayaa arinkaasi beeniyay iyagoo sheegay in aanay jirin wax macdan ah oo ay deegaankaasi ka wadaan. Shirkadaha ayaa dawladda ugu baaqay in dacaayadda laga daayo isla markaana baadhitaan rasmi ah la sameeyo.

Leave a Reply