Maraykanka oo Mamnuucaya Aaladaha Qaar in lala Raaco Diyaaradaha

0
328

Mareykanka ayaa qorsheynaya in qalabka korontada ku shaqeeya ee sida laabtoobyada iyo tablets-ka laga mamnuuco in lala raaco diyaaradaha uga imaanaya wadammada Bariga Dhexe iyo woqooyiga Afrika.

Xog laga helay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto sarkaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ku taga toban garoon oo ku yaalla dalkaasi.

Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato gaadhsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho.

Baadhayasha ayaa waxa ay sheegeen in qof ka tirsanaa rakaabka oo diyaaradda ka soo dhacay uu sitay bam lagu soo rakibay laabtoob.

Duuliyihii diyaaraddaasi ayay u suurtagashay in uu diyaaradda soo dejiyo, waxa uuna sheegay in qofkii bamka sitay oo kaliya uu ku dhintay qaraxaasi.

Xaalad noocaasi oo kale ah ayay u dhowdahay in mukhaabaraadka Mareykanka ay hadda ka cabsi qabaan.

Waxa ayna ku amreen diyaaradaha duulimaadyada tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada siddeed dal in aysan ogolaan in diyaaradaha lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, qalabka DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro.

Dadka rakaabka ah ayaa wali loo ogolaanayaa in ay diyaaradda la raacaan taleefoonadooda.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sida la sheegayo waxa ay heystaan muddo afar maalmood ah in ay amarkaasi ku dhaqan geliyaan.

Leave a Reply