FBI-da oo xaqiijisay baadhitaan ay ku hayaan Trump iyo Ruushka

0
259

Agaasimaha FBI-da Mareykanka, James Comey, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in ay baadhayaan eedaha sheegaya in dowladda Ruushka ay faragelin ku sameysay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka ee dhacday dabayaaqada sanadkii hore.

James Comey, ayaa guddiga mukhaabaraadka ee Kongareeska u sheegay in FBI-du ay baadhayaan in uu jiray wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeysay kooxda maamuleysay ololaha doorashada Trump iyo dowladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku gacan seydhay eedeymahaasi.

Afhayeenka aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer, ayaa sheegay in baadhitaan iyo xaqiiqo la hayo ay kala yihiin labo shey oo kala geddisan.

Haddaba Eric Swalwell, waxa uu ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna xubin ka yahay Guddiga Sirdoonka Kongareeska, waxa uu ku lug lahaa dhageysigii shalay, waxa uuna sheegayaa in Ruushku uu ahaa dhinaca kaliya ee arrintan ka faa’iiday.

Leave a Reply