Qarax ku Dilay 23 Qof Caasimada Ciraaq

0
317

Qarax baabuur ayaa ugu yaraan 23 qof ku dilay islamarkaana 45 kale ku dhaawacay xaafadda Amil ee koonfurta galbeed ee magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Ciraq.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo. Kooxda mintidiinta ah ayaa weeraro midkan la mid ah ka fuliyey Baqdad iyo magaalooyin kale, xilli awooddoodii magaalada Mosul ay sii yaraaneyso.

Dagalayahanada Daacish ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey waxaa asiibay guuldarrooyin is-xigxigay, iyaga oo lumiyey 60% dhulkii ay gacanta ku haysan jireen ee Ciraq.

Ciidamada Ciraq oo ay taageerayaan isbaheysiga caalamiga ah ee Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa 500 oo mitir kaliya u jira masjidka Al-Nur, halkaasi oo hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi uu khudbad ka jeediyey bishii july ee 2014.

Weerarkan  ayaa yimid ayada oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ra’iisul wasaaraha Ciraq Haider al-Abadi kula kulmay magaalada Washington, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-hadallo ku saabsanaa wada-shaqeynta labada dal ee ku aadan sidii looga adkaan lahaa Daacish.

Leave a Reply