Cimiladda oo La Ogaadey Inay Samayso Samayska Qofka

0
316

Daraasad ay sameeyeen koox ka socotay jaamacadda Pennsylvania ee dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay cimiladu qayb weyn ka qaadato da’da qofka, iyada oo raad weyn iyo saamayn ku yeelata.

Khubarada daraasadan sameeyey ayaa sheegay in intii ay daraasadan ku jireen la kulmeen dad kala duwan ,kuwaas oo ka soo kala jeeda  wadamo iyo qaaraddo kala duwan , waxaanay intaasi ku dareen in dadkaasi ay kala kulmeen kala duwanaansho weyn.

Saynisyahanada sameeyey daraasadan oo ku daabacay wargeyska lagu magcaabo Plos Genetics oo arrimaha isirka ka hadla uuna kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay  in dadka ay la kulmeen ay ka kala socdeen Waqooyiga qaaradda Yurub, Afrika iyo Koonfurta Aasiya, waxaanay intaasi ku dareen in ay dhamaantood ahaayeen kuwo kala duwan.

Waxyaalaha ay soo qaateen ee ay ku kala duwanaayeen ayaa haayd dhanka dhererka, sanka iyo siduu u samaysan yahay iyo xagga midabka.

Waxay sheegeen khubaradani in dadka meelaha kulul degan ama ku nooli yihiin kuwo sankoodu yahay  mid balaadhan , sidoo kalena leh daloolo waaweyn , iyaga oo uga jeeday daloolada dhididku kazoo baxo.

Dadka degan meelaha qabow ayay iyagana sheegeen inay yihiin kuwo sankoodu yahay mid gaaban oo yar, sidoo kalena daloolada jidhkooda ku yaala ee dhididka iyo daloolada sankoodubana yihiin kuwo aad u yar yar.

Kooxdan daraasada samaysay ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan qoddobo saameeyey dadkaasi, kuwaas oo kala ah dhanka Cimilada iyo heer kulka hadba halkay ku nool yihiin, waxaanay  intaasi ku dareen in dadkaasi ay saamayn ku lee dahay hadba isirka ay kazoo jeedaan.

Waxaanay sheegeen inay daraasadan sii wadayaan, iyaga oo doonaaya inay ogaadaan siday cimiladu dhererka saamayn ugu yeelato.

Waxaanay sheegeen inay daraasadan sii wadayaan, iyaga oo doonaaya inay ogaadaan siday cimiladu dhererka saamayn ugu yeelato.

Leave a Reply