Donald Trump Sharciga kama Sarreeyo

0
316

Ninka cusub ee Donald Trump uu u magacaabay maxkamadda sare ayaa sheegay in dadka oo dhan, oo madaxweynaha uu ka mid yahay, aysan ka sareyn sharciga dalkaasi.

Neil Gorsuch ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin qof uu u sameynayo ballanqaad ku saabsan qaabka uu wax u xukumi doono.

Hadalkaas ayuu u sheegay golaha aqalka sare, xilli uu jeedinayay khudbad  uu kaga hadlayay waxa uu qaban doono.

Wuxuu sheegay “in uu is casili doono” haddii madaxweyne Trump uu weydiisto inuu bedelo arrinta muranka uu ka taagan yahay ee ah sharcigaa ogolaanaya in dumarka uurka leh ay ilmaha iska soo xaaqaan.

Mr Gorsuch ayaa sidoo kale “niyad jab” ku tilmaamay weerarka Trump uu ku hayo garsoorayaasha federaalka.

Bishii Febraayo, Trump wuxuu “garsoore isku sheeg” ku tilmaamay xaakin hor istaagay xayiraaddii uu saaray todobo dal oo Muslimiin ah.

Gorsuch ayaa si gaar ah Senate-ka ugu sheegay in qalad ay ku tahay haddii weerar “argagixiso” uu ka dhaco Mareykankaa.

Wuxuu sidoo kale u sheegay kongress-ka in weerarada madaxweyne Trump ay yihiin “niyad jebin”, wuxuuna ereygaasi u isticmaalay si ku celcelis ah oo joogto ah.

“Marka qof uu cambaareeyo daacadnimada ama sharafta, ama niyadda xaakimiinta, taasi waxaan u arkayaa niyad jebin. Taasi waxaa u arkaa mid quus ah, sababta oo ah waan garanayaa runta,” ayuu yidhi.

Waxaa la weydiiyay in dadka eedeeya garsoorayaasha ee uu ka hadlay inuu ka mid yahay madaxweynaha. Wuxuu ku jawaabay “dadka waa isku mid”.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa ka dib bartiisa Twitter-ka ku qoray in Mr Gorsuch uu “u hadlay si waadax ah” sidoo kalena uusan soo qaadin magac.

Iyadoo dimuquraadiga ay ku cadaadinayaan inuu ka hadlo arrimaha doodda dhaliyay, wuxuu sheegay in ay qalad tahay in laga hadlo sida uu go’aan uga gaadhayo kiis kaste oo loo gudbiyo maxkamadda sare.

Taasi waxay noqoneysaa “bilowga meeshii ay ku dhammaan lahayd” madaxbannaanida guddiga cadaaladda, ayuu yidhi.

Mr Gorsuch, wuxuu buuxinayaa booska xaakinkaa maxkamadda sare ka dib markii uu dhintay garsoorihii hore Antonin Scalia, 13 bilood ka dib.

Welina wuxuu sugayaa in kongress-ka ay aqbalaan si uu u qabto shaqada maxkamadda sare.

 

Leave a Reply