Duqeyn ku Dishay Suuriya 33 Qof oo Gabboodsanayay Dugsi

0
320

Hay’ad la socota dagaalka dalka Suuriya ayaa sheegtay in duqeyn la rumeysan yahay inay fuliyeen isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ay 33 qof ku dishay iskuul u dhow magaalada muhiimka ah ee Raqqa.

Kooxda la socodka xuquuqda aadanha ee Suuriya waxa ay sheegtay in weerarka uu xilli hore maalintii salaasada ka dhacay xaafadda al-Mansoura, islamarkaana iskuulka la weeraray uu gabbaad u ahaa dad ku barakacay dagaalka Suuriya.

Raqqa waa caasimada ay sheegtaan kooxda Daacish, waxaana qabsashada magaalada ay u tahay muhiimadda koowaad ciidamada kala duwan ee la dagaalamaya kooxdaas.

Isbaheysiga Mareykanka uu hogaamiyo oo ay ku jiraan dhowr iyo toban dal oo kale ayaa duqeymo ku waday magaalada Raqqa maalmihii dhowaa.

Xog laga helay isbaheysiga ayaa muujineysa in qiyaasti labaatan duqeyn ay maalintiiba ka dhacday magaaladaas, maalmihii Sabtida, Axaddii iyo Isniintii.

Guud ahaan, duqeymaha Suuriya ayaa sare u kacay sanadkan, iyada oo bilihii Jenaweri  iyo Febarweri ay dhaceen 550 duqeyn midkiiba, taas oo aad uga badan 350 duqeyn oo dhacay guud ahaan lixdii bil ee ugu dambeeyey sanaddii 2016.

Leave a Reply