Duruufo Adag oo ku Gadaaman Danyarta Xaafada Sheekh Cumar

0
473

Hargeysa (Dawan):- Xaafadda Sheekh Cumar oo ku taalla  koonfur galbeed ee  magaalada Hargeysa, waxaa deggan qoysas intooda badani ay yihiin dad danyar ah oo awoodooda dhaqaale ay hooseyso, lagana soo kala raray xaafado kala duwan oo ku yaala gudaha magaalada Hargeysa.

Wariye Khadar Maxamed Xaashi, oo ka tirsan wargeyska Dawan oo  booqday xaafadda Sheekh Cumar una kuur galay duruufajha nololeed ee ka jira xaaladddan iyo adeegyada ay u baahan yihiidn dadweynaha xaafadaasi,ayaa ka diyaariyay Warbixintan.

Xaafadani waxay goobtan laga yagleelay oo ay ahayd degaan la deggan yahay   muddo ku siman lix sannadood, waxay gabi ahaanba ka arradan tahay waxyaabaha tiir-dhexaadka u ah nolosha aadamaha iyo adeegyada asaasiga ah ee nololeed, waxaana heysta shaqo la’aan, cuno yari, hoy xumo iyo biyo yaraan.

Inta badan bulshada ku dhaqan xaafadda Sheekh Cumar ayaa qoys waliba waxa uu degen yahay guri jiingad ah oo ka kooban hal maqsin, kaasoo aan lahayn haba yaraatee sibidh iyo siliig toona, sidaa darteed maadaama qoyska ugu yari uu ka kooban yahay lix caruur ah, aabahood iyo hooyadood, qaarkood baa dibedda seexda, qaar kalena qoysas guryo cidhiidhiya ku jira ayay dul saar ku yihiin sida ay ii sheegeen dadweynaha xaafadaasi deggan oo aan wax ka waydiiyay noloshooda

Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirta, sidoo kalena korontadu joogto maaha, xaafadaha qaar waxa ku xidhan dad qaba xanuunnada maskaxda ku dhaca iyo kuwo kale oo la il daran xanuunno soo ritay oo bukaan jiif ah, kuwaasoo aan wali helin daryeel caafimaad, ka dib markii ay awoodi waayeen dhaqaale ay ku tagaan dhakhaatiirta, waxaana dadkaasi dushooda ka muuqda arrad ba’an.

Dadka xaafaddan deggani waa dad aan is jeeb dhaamin islamarkaana isuma ciir-sato ah, oo aan qoysna qoys xadhaadhineyn, dabkana u shidi karin.

Dadweynahan oo aanu ka waraysannay xaaladooda nololeed, waxay noo sheegeen oo si isku mida ay uga wada marag kaceen in aanay guryahan ay ku jiraan qabow iyo kuleyl midna  ka celineyn, waxaanay xuseen in kuleylka cadceedda iyo dhagxaanta buurtu ay isugu biirsameen una baahan yihiin in dawladdu hoos u eegto loona dhiso guryo kuwan ay ku noolyihiin dhaama.

Dhanka kale xaafadani malaha iskuul (Secondry) ah amase dugsi sare, waxaana caruurta ciyaal iskuulka ah ee xafadaasi deggan ee wax ka barta dugsiyada ku yaala xaafadaha kale ee  magaalada Hargeysa, waxay soo raacaan, gaadhi ay ku caawisay, wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyada Somaliland, halka badhkood hadii ay yar habsaamaan oo ay soo gaadhi waayaan gaadhigaasi, ay soo lugeeyaan, iyaga oo wax ka barta dugsiyada Faarax Oomaar, 26-jun iyo waliba Gacan libaax iyo meelo kale, waxa kale oo aan isaguna wali dhameystirreyn dugsigii hoose dhexe oo intiisa badani ay qabyo tahay walina gacanta lagu hayo. Taasi waxay dhaxal-siisay dhalinyaradan iyo qoysaskoodaba inay qaarkood iskaga hadhaan waxbarashadii maadaama ay tahli kari-waayeen bas raacii oo ay noqdaan qaar guiryaha iska jooga.

Ismaaciil Yuusuf Muuse  oo ka mid ah odayaasha xaafada ayaa ugu baaqay laamaha dawladda in deg deg loogu soo gurmado xaafadan ay deggan yihiin qoysaska danyarta ah oo u baahan in laga taageero nolosha adag iyo duruufaha ku gedaaman waxaanu yidhi “Maalintii goobtan nala keenay ayaa noogu dambeysay masuuliyiinta dawladda, ma heyno wax dhaqaale ah, ma heyno wax waddo ah, wax aanu cuno iyo wax aanu cabno toona waxaa nagaga daran waddadii aanu magaalada u mareyney ee marinka noo aheyd  baloodho ayaa laga jeexday, iyo guryo meel Alle meel aanu maanta magaaladii Hargeysa u soo marno ma heyno”

Ismaaciil isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “dad aan xuskoodu dhammeyn baanu leenahay, dad curyaamiin ah ayaanu leenahay, dad aan waxbarasho heysan-baanu leenahay, si degdega ha naloo soo gaadho, jiingadahan aad aragto waxaa noo dhistay Hay’ada NRC, siliig ma leh, qofka laba iyo tobanka maalinnimo lagu xidhaa isaga oo waalan ayuu dibada u soo boodayaa, waa afar mitir, ninka toban caruura amase shan caruura heystaa, ee saddex qaan-gaadh yihiin goob ayay wada seexanayaan, shareecada diinta Islaamkana waa ka mamnuuc, ta kiristaankana waa ka mamnuuc markaa xukuumada waxaanu ka codsaneynaa in si deg-dega naloo soo gaadho”

Maxamed Xasan Nageeye (Banay) oo ka mid ah dhallinyarada xaafada Sheekh Cumar ayaa ka codsaday wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare inay uguneeyaan macalimiinta ubadka wax ugu dhiga oo uu sheegay in muddo afar sano ah ay tuburucaad wax ugu dhigayeen caruurta waxaanu yidhi “Waxaanu meesha deggenayn muddo lix sanadood ah, adeegyada ugu mihiimsan ee meesha ka maqani, ee aanay xaafaduhaysan waxaa ka mid ah,  waddo la,aan iskuul dugsi sare ah malaha, kaalmo biyood ayaanu leenahay oo Gu’gii mooyaane Jilaalkii ma shaqeeyaan, oo biyo la’aan baahsan ayaa ka taagan, dugsigan imika noo dhisani waa mid hoose uun walina dugsi dhexe muu gaadhin oo waa qabyo, macalimiinta ardayda wax noogu dhigtaa imika muddo afar-sanno ah ayay si tabarucaad ah wax ugu dhigayeen ciyaalkayaga oo wax mushahar ah ma qaaataan, wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare waxaan ugu baaqaynaa inay macalimiinta noo gunneeyaan”

Maxamed waxa kale oo uu tilmaamay inaanay hoyga dadkani ay galaan aanay aheyn qaar kafeynaya noloshooda “Waddada gaadiidku noo soomaraa way dayacantahay  , meel uu xataa gaadhi noo soo maraa ma jirto, xaafadda dad curyaamina ayaa degan, dad waal-waalan oo ILLAAHAY xiskoodi ka qaaday ayaa degan, dad danyara ayaa degan, ILLAAHAY uun baanay macsuun u yihiin, dadka meesha degan waxaa loo dhisay waa qol jiingada, qoysaska qaar ayaa 11-ruuxa, marka laga reebo hooyadood iyo abaahood, hadana meel wada seexanaya, mana heystaan awood iyo tamar ay ku kordhistaan markaa dawlada waxaan ugu baaqqayaa inay dadkan hoos u eegaan oo ay gurmad dhinac kasta leh ay u fidiyaan,adeega goobtayada caafimaad lagu bixiyaana waxaa uu u badan yahay lacag ee waxaan leeyahay hadaan bilaash laga dhigi kareyn dadka, haloo fududeeyo, in badan ayaa nafaqo la’aan u liidata, markaas Illaahay uun baa xaalkooda og”

Hooyo Sahra Xuseen oo iyana ka mid ah dadweynaha xaafadaasi ayaa si weyn uga dayrisay waxbarasho la’aanta soo food saartay caruurta ay dhaleen iyada oo arrimahaasi ka hadleysana waxa ay tidhi “Qolkan aan ku jiraa waa qol jiingad ah, cadceedda nagama celiso, qabowgana nagama celiso, dadka qaar ayaa bilaa masqulo ah, dadku waa dad danyar, dad aan karsaneyn baa jira, dad aan biyo heysan baa jira, wado ma heysano, feega ilmaha hadii aanu helno lacagtii baska aanu ku saareynay ma heysano, wiilkii iyo gabadhii qaangaadhka ahaa ee gogosha lagu kala kaxeynayay ayaa meel wada seexanaya, dawladii sidii sharafta iyo karaamada laheyd ee ay noo soo rartay inay wax noogu qabato ayaanu ka codsaneynaa, anaga caruurta markii nala soo raray qaarbaa jaamacadaha noo dhiganayay markii danbena halkaasi kaga hadhay, marka ay baskii tahli waayeen ee uu baskii qaali nagu noqday waayo basku waa laba kun oo shilinka Somaliland, sii socod iyo soo socod waa afar kun oo shilin halkaasi ayaanay kaga hadheen waxbarashadoodii oo guryaha ayay noo joogaanba”

Hooyo Faadumo Jaamac Bile  waxay degan tahay xaafada Sheekh Cumar waxay goobta ku heysaa walaalkeed oo xanuunsanaya waxaanay ka sheekeysay xaalada murugada badan ee heysata “Walaalkey I ILLAAHAY baa xiskiisa ka qaaday, aniga ayaa haya waa uu xidh-xidhan yahay, waa maqsinkan yar ee aanay laba qof wada seexan Karin, albaab ma laha, wax cad-ceedda ka celiyana ma laha, habeen iyo maalinba waxaan u soo jeeda ee aan gaadhka ka hayaa waa isaga, ILLAAHAY  baa wax bixiya ee ciddii na caawin kartaa ha na caawiso waxna hanoo qabato”

Isra Axmed Iidaan waa gabadh yar oo 15-sanno jir ah, hooyadeed waa ay dhimatay aabaheedna waa askari, waxay heysaa walaasheed oo iyada ka yar oo 11-sano xanuun dhulka u jiifta waxay iga warantay xaalada murugada iyo naxdinta badan ee qoyskooda waxaanay tidhi “Anigu waxaan hayaa walaashay oo mudo 11-sano ah xanuunsaneysa, hooyadeyna way dhimatay aabaheyna waa askari, waxaanan dadka muslimiinta ah aan ka codsanayaa inay gabadhan yar ee walaashay ah ee xanuusaneysa inay soo caawiyaan, wixii ay ku tari karaanna ay soo siiyaan, lix caruura, iyo abaahay ayuu qoyskayagu ka kooban yahay, caruurtayada qaarna waxbay dhigtaan intooda badanina guriga uun bay iska joogaan, awood dhaqaale oo aanu waxbarasho ku geynana waanu weynay, waxaanan cidkasta oo muslim ah ka codsaneynaa inay wixii ay nagu tari karaan ay nagu taraan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply