Gantaal Tijaabo ahaa oo ka Fashilmay Kuuriyada Waqooyi

0
330

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tijaabo gantaal oo ay sameysay Kuuriyada Waqooyi ay fashil ku dhammaatay.

Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Pasifiga ayaa sheegay inay u muuqatay in gantaalka uu qarxay dhowr ilbidhiqsi kadib markii laga tuuray jasiiradda Kalma, ee ku taalla qeybta bari ee dalkaas.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna sheegay in bilowgii tijaabada ay u muuqatay mid aan caadi ahayn.

Labada dalba ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan nooca gantaal ee la tijaabiyey, waxaana labaduba ay sheegeen in weli ay wadaan inay taxliiliyaan wixii dhacay.

Horaantii bishan, kuuriyada waqooyi waxay tijaabisay afar gantaal oo nooca kuwa la hago ah, kuwaasi oo ay ku riday meel ka baxsan xeebta Japan, iyada oo kaga jawaabeysa dhoolatusyada milatari ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo ay Kuuriyada Waqooyi u aragtay isu diyaarin dagaal.

Leave a Reply