Garyaqaanka Guud oo ka Hadlay Sharciyadda Heshiiska Millatari ee Imaaraadka Laga Siiyey Berbera

0
308

Hargeysa (Dawan)- Garyaqaanka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Cabdisamad  Cumar Maal, ayaa caddeeyey in saldhigga millatari ee dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalo-xeebeedda Berbera uu sharciyan yahay aqoonsi caalamiya dalka Somaliland kaga bixi karo go’doonka siyaasadeed ee uu adduunka kaga jiro muddo 26 sannadood ah.

 

Mr. Maal oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa shalay, waxa uu sheegay in dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta wada galeen heshiiska saldhigga millatari ee Berbera, waxaannu hoosta ka xarriiqay in fursaddaas oo uu ku tilmaamay tii ugu weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland hesho ay keentay istaraatajiyadda dekedda Berbera ku taal oo muhiimad badan ugu fadhida isku xidhka waddamada Carabta iyo bariga qaaradda Afrika.

 

Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ugu horreyn arrimahaas sharraxayey waxa uu yidhi; “Heshiiska aynu la galnay waddanka Imaaraadka Carabta  ee ku saabsan saldhigga millatari ee ay ka samaynayaan Madaarka Berbera sharciyan marka la eego waa  aqoonsi, horena waxa aynu u galnay heshiiska shirkadda DP World ee maalgalinaysa dekedda Berbera, dawladda  Somaliland  iyo dawladda Imaaraadka Carabta  ayaana heshiiska saldhigga millatari wada galay,  waana heshiis caalami ah, innagana waxa uu inoo leeyahay dekedda Berbera ayaa la horumarinayaa,  waxa la dhisayaa jidka isku xidha Berbera iyo Togwajaale,  waxa aynu ku xidhmaynaa Geeska Afrika oo ganacsigu inoo furmayaa.  Waxa aynu ka baxaynaa macaamil la’aantii innaga dhexaysay waddamada aynu jaarka nahay  ayey innaga saaraysaa. Heshiiskaasi dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo horumar ahaan dhinac walba faa’iido weyn ayuu u leeyahay qaranka Somaliland. Mandaqadda aynu ku nool nahay awgeed iyo istaraajatiyadda  Berbera  ku taal ayaa waxa ay fursad inoo siisay in waddankeena la maalgashado oo aynu isku xidhanno  oo dan lagaa yeesho, markaa waxa imanaysa waxa aynu ku gorgortanno, tii baana maanta dhacday oo heshiis aynu ku galnay oo muujinaya in aad qaran tahay oo heshiis lagula gali karo, oo lagu maalgashan karo. Heshiiskan laba dawladood ayaa wada galay oo ay khusaysaa, laakiin xisbi baa  diiday iyo cid baa ka soo horjeedsatay wax macno leh oo ay samaynaysaa ma jirto. Labada gole ayaa aqlabiyad ku ansixiyay saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyey madaarka Berbera.”

 

Garyaqaanka Guud waxa uu u soo jeediyay Guddoomiye Cirro in uu u hoggaansamo go’aanka aqlabiyadda labada gole baarlaman ku meel-mariyeen saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta ka samaysanayo Berbera, maadaama  xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee uu madaxda ka yahay jidaynayo in codka aqlabiyadda la raaco, “Xeer-hoosaadyo ayey goleyaasha qaranku leeyihiin; Golaha Guurtidu xeer-hoosaad ayuu leeyahay, Golaha Wakiilladuna xeer-hoosaad ayuu leeyahay. Anigoo ixtiraamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna xildhibaan ka tirsan golahaas, ahna murrashax Madaxweyne; anigu haddaan isaga (Cirro) ahaan lahaa oo layga aqlabiyad bato waxa aan diidanahay waan sheegi karaa, laakiin marka aqlabiyada layga badiyo sida xeer-hoosaadka golayaashu sheegayaan waa in uu oggolaado, haddii kale xeer-hoosaadkii ayaan jabinayaa. Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxa uu sheegayaa in cod aqlabiyad ah lagu kala baxayo haddii mudanayaashu ku kala aragti duwanaadaan sharci amma xeer la ansixinayo,” ayuu yidhi Garyaqaan Cabdisamad Cumar Maal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply