Madaxweyne Siilaanyo oo Turkiga ugu Baaqay Inay Somaliland ka Taageeraan Gurmadka Abaaraha iyo Maalgashiga Ganacsiga

0
280

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dawladda Turkiga ku booriyay inay Somaliland kala shaqeyso dhinacyada gurmadka iyo samato-bixinta dadka ku tabaaloobay Abaaraha, Maalgashiga caalamiga ah iyo inay Baasaboorka Somaliland ku bixiyaan fiiseyaasha.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka cusub ee Turkiga u fadhiya Somaliland, Mr Ali Noyan Coskun iyo Ku-xigeenkiisa.


Afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Xuseen  Deyr, oo kulankaasi ka dib ka hadlay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen diblomaasigan, ayaa tafaasiil ka bixiyay qoddobadii madaxweynuhu kala hadlay, waxaanu yidhi,“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa maanta (shalay) xafiiskiisa ku soo booqday Wakiilka dalkaa Turkiga u fadhiya Somaliland, Mr Ali Noyan Coskun,  waxaanu madaxweynuhu kala hadlay sidii dawladda Turkigu ay muhiimad gaar ah u siin lahayd  gurmadka abaaraha maadaama oo Somaliland ahayd halkii abaartu ugu soo horeysay, waxa kaloo madaxweynuhu kala hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga Somaliland iyo Turkigu uga wada shaqeyn lahaayeen.”

“Waxa kaloo lagala hadlay Wakiilka Turkiga, sidii dawladda Turkigu ay baasaboorka Somaliland ugu bixin lahayd fiisaha dal ku galkeeda. Waxa kale oo labada dhinac isla soo qaadeen sidii Turkigu Somaliland uga caawin lahaa dhinaca waxbarashadda,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.

 

Wakiilka Turkiga u fadhiya Hargeysa, Mr. Ali Noyan Coskun, oo isna ka hadlay shirkaas wadajirka ah ee ay ku qabteen madaxtooyadda, ayaa sheegay in xilkan loo soo magacaabay dhawaan, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu yimaado Somaliland. “Waxa dhawaan Jamhuuriyadda Turkigu ii soo magacowday inaan noqdo qusulka guud ee dalkayaga u jooga Hargeysa, Somaliland, waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan halkan (Somaliland) joogo. Waxaanan kala kulmay soo dhaweyn weyn,”ayuu yidhi Wakiilka Turkigu.

 

Mr. Ali Noyan Coskun, waxa uu balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii uu u wanaajin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo dalkiisa Turkiga, waxaanu yidhi; “Waxaan qaban doonaa inaan ka shaqeeyo mustaqbalka  hagaajinta xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland.”

 

Kulankaas waxa dhinaca xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku wehelinayay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Prof. Maxamed Mixille Boqore, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply