Shaaha oo la Ogaadey Inuu Dawo ka Yahay Kana Hortago Xanuunnada Maskaxda Qaar Kamida

0
256

Koob shaah ah oo maalintii la cabo ayaa la ogaadey inuu sabab u noqon karo qofka oo ka badbaada xanuunada maskaxda ku dhaca  qaybo kamid ah, gaar ahaana xanuunka Dementia loo yaqaano oo ah xanuun maskaxda khal khal ku rida , sidoo kalena soo gaadhsiiya dhaawacyo.

Khubaro caafimaad oo dhowaan daraasad ka samaysay faa’idooyinka caafimaad ee shaahu lee yahay ayaa ogaadey in uu sababo in uu ka hortago xanuuno uu xanuunkaasi kamid yahay, waxa kale oo ay ogaadeen in ay ku jirto shaaha maado bilaa Sun ah , sidoo kalena disha suntan keentay isku yaaca maskaxda oo cuntooyinka qaarkood ku jirta .

Khubaradan oo u dhashay dalkaasi Singapore ayaa wargeyska Daily Mail  oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan u sheegay in shaahu ka kooban yahay waxyaalo kala duwan oo ay ku jiraan maadooyin ka hortaga sunno badan , gaar ahaana ta maskaxda ku keenta inay isku yaacdo, waxaanay intaas ku dareen inay keento inuu jidhku helo awood badan oo suntan lagaga hortegi karo.

Daraasadan ayaa intii ay wadeen waxay tijaabooyin ku sameeyeen dad waaweyn oo da’doodu gaadhayso ilaa 55 sanno jir, iyada oo macluumaad laga ururiyey noloshooda ku saabsan, waxa kale oo laga qaaday warbixin ku saabsan caafimaadkooda, gaar ahaana ka maskaxeed iyo ka jidheed labadaba.

Kooxdan ayaa mudadii ay waday waxay marwalba tijaabooyin ku samaynayeen dadkaasi kala duwanaa ee ay ku samaynayeen tijabada daraasadan, si ay ula socdaan xaaladooda caafimaad.

Dr Feng Li oo ah madaxa Cilmibaadheyaashan ayaa yidhi “  Shaahu waxa uu   ka hortagaa dhaawac soo gaadha  xididada maskaxda iyo neerfaha “.

Khubaradan ayaa sheegay inay daraasadan natiijadeeda oo dhamaystiran dhowaan soo saari doonaan, madaama oo ay tani tahay hor dhac.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply