Suuqa Ugu Weyn Xubnaha Jidhka Aadmiga

0
328

Dalka Bangaaldheesh ayaa ah dal uu si xun u hayo dadka ku nool xanuunka Macaanku. Xanuunkan ayaa dadkan ku keena inay keliyuhu shaqada joojiyaan. Haddaba inkasta oo ay dawladdu mamnuuc ka dhigtay in la kala iibsado xubnaha jidhka dadka , haddana waxa suuqa madow saacad kasta lagula ka iibsadaa xubnaha kelyaha.

Arintan ayaa muujisay in dalkani yahay kan ugu badan ee lagu kala iibsado xubnaha aadamiga. Waxaana sabab u ah iyadoo bulshadiisu sabool tahay.

Gabadha lagu magacaabo Arak oo iyadu sheegtay inay kelideeda iibisay ayaa tidhi “ Markii uu xanuunsaday Saygaygu ee aan bixin kari waayay waxbarashadii caruurtaydii ayaan iibiyay keliyahayga mid ka mid ah si aan caafimaadka ninkayga u bixiyo isla markaana aan caruurta waxbarashada uga bixiyo. Nasiib daro gabadhan ayaa noqotay wakhtigan noqotay mid aan waxba qaadi Karin qaliinkii lagu sameeyayna uu dhibaato u geystay.

 

Leave a Reply