Weerar ka Dhacay Badhtamaha London oo Geystay Dhimasho iyo Dhaawac

0
313

Afar  qof ayaa ku dhimatay , labaatan   kalana way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay badhtamaha London oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa fal argagixiso.

Weerarka oo ka dhacay dhismaha baarlamaanka hortiisa waxaa ka mid ahaa dadka dhintay askari boolis ah iyo qofkii weerarka geystay.

Waxa iyana ka mid ah dhaawaca arday faransiis ah oo booqasho  iskuul ku tagtay London.

 

Gaadhi ayaa si ula kac ah loo jiidhsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xidhay. haweenay ayaa halkaasi ugu dhimatay dhaawicii ka soo gaadhay  gaadhiga.

 

Qof ka soo degay gaadhigaaasi ayaa tooreey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.

Gawaadhida gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Kulankii baarlamaanka  ayaana  la hakiyay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xidhay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan ‘war kaa ka duwan’.

 

Leave a Reply