Guddoomiyaha Gobolka Sool oo ka Hadlay Nin Meydkiisa Laga Helay Gaadhigii uu Watay

0
311

Laascaanood(Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Sool, Cabdi Khayre Dirir, ayaa ka hadlay Meydka Marxuum laga helay  bariga  magalaada Laascaanood meel  dhawr KM u jirta kaantaroolka barri ee magaaladaas.

 

Guddoomiyuhu wuxuu  sheegay in Marxuumka Meydkiisa laga soo helay gudaha gaadhi Iskarogo ah oo uu watay iyadoo ay xabadi ku taallo. Waxaanu intaas ku daray in gaadhiga laga dhex helay qori iyo qashar xabadi ka dhacday.

 

Guddoomiye Cabdi Khayre, waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay u waramay wargeyska Dawan. “Marxuumka dhintay wuxuu ahaa dadka ku shaqaysta gaadiidka Iskarogooyinka ah ee magaalada ciidda iyo dhagaxa keenna,waxaana Meydkiisa laga helay gudaha gaadhigiisa dhinaca bari ee magaalada meel dhawr KM u jirta kaantaloolka bari ee magaalada laga soo galo isagoo gaadhigu waddada kala baxay.

waxa kaloo ciidanku gaadhiga ka dhex heleen qori iyo qashar xabadi ka dhacday,meydkiina markii baadhitaano badan lagu sameeyay ee booliska iyo dhakhaatiirtuba ay baadheen waxaa lagu wareejiyay qoyskiisii caawa(xalay) ayaana la aasay dhacdadaasna waxaa gacanta ku haya oo baadhaya laamaha baadhista ee heer gobol,”ayuu yidhi Cabdi Khayre.

 

Guddoomiyaha oo  la waydiinay siday wax uga jiraan wararka sheegaya in kooxo hubaysani in ay dilka Marxuumka geysteen,waxa uu yidhi;  “Horta markay dhimasho dhacdo, maaha wax fudud oo markiiba go’aan laga gaadhi karo ama si uun wax loo sheegi karo. waxaa  jiray warar shabakadaha Internet-ku  qoreen oo sheegayay in kooxo hubaysan oo aan la aqoonsanin in ay dilkaa geysteen waxaanse caddaynayaa in aanay gobolka ka jirin kooxo hubaysan, guud ahaan gobolka Soolna waa nabadgelyo dhacdooyinka noocan oo kale ahina way  ka dhacaan dunida oo dhan laakiin laamaha ammaanka ayaa baadhistii gacanta ku haya kana hor dhici maayo. ”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply