Maayarka Ceerigaabo oo Sheegay in Degmadiisa Laga Qadiyay Mashaariicda JPLG-ga

0
305

Hargeysa(Dawan)-Maayarka  degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax ayaa  ka xog-waramay xaalad guud ee degmadaas, gaar ahaan abaaraha ka jira deegaanadaas, waxa uu maayarku xusay inay ku yar yihiin mashaariicda degmadiisa ee dhinaca xukuumadda, isagoo tilmaamay caqabadaha hortaagan hirgelinta mashruuca JPLG ee lagu horumariyo dawladdaha hoose.

Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sidoo kale ka hadlay mashaariic horumarineed oo ay golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ay hirgeliyeen muddadii ay xilka hayeen.

Maayarka Ceerigaabo oo arrimahaad ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu wax ka qabanay muddadii aanu jirnay wax badan oo u badan dhismeyaal, sida garoonka gawraca, beerta xorriyada iyo xafiisyo badan oo kale iyo weliba sayladda, dhul badan ayaanu wax ka qabanay, aniga oo soo koobaya waxaanu iibsanay cagafyo kala duwan noocyadooda, giraydhar, sheewal,  baldowser, rugley iyo booyaddii biyaha, intaasba Illaahay wuu noo fududeeyey waananu iibsanay maantana waxay yaallaan xarunta dawladda hoose.”

”Waxaanu samaynay 10 km oo laami ah oo magaalada dhexdeeda ah oo uu la socdo solarkii laydhku qayb ahaana uu shaqeeyo, waxa sidoo kale noo qorshaysan waddo kale oo 20 km ah iyo laydhkoodii solarka ahaa oo aanu Illaahay la sugayno, waxa kale oo noo qorshaysan gaadhi dab-demis ah, dhamaantoodna waa qorshayaasha noo degsan,”ayuu yidhi Maayarka oo shalay u waramay HCTV.

Ismaaciil Xaaji Nuur, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay barmaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG, waxaanu yidhi ”Waxa uu dalka ka shaqeeyey 10 sanno barmaamijka JPLG waxaana bixiyey 5 dawladdood oo ka soo kala jeeda Yurub, abnagu degmo ahaan intaa dacwad ayaanu u ahayn barmaamijkaas mana hayno rajona kama qabno, waxaana jawaab naloo siiyey ma geydaan goboladiina barigu,  iyagoo nala qaba gobolada kale ee Sool iyo bariguba, waxaananu maqlaynaa daabiyado ayaa lala deydeyeyaa markii kuwii nala mid ka ahaa dhamaysteen ee uu ka hirgalay.”

Waxa kaloo uu ka hadlay  abaarta ee muddooyinkii u dambeeyay saamaysay guud ahaan gobollada Somaliland,waxaanu yidhi, ”Waxaan leeyahay ummadda ha loo kaco oo ha loo istaago anigoo uga faa’iideysanayaa farriintayda warbaahinta, xaalada ay ku jiraan ee abaartu waa mid ay xoolihii dhaafeen laakiin loo baahan yahay in dadkii la badbaadiyo”

Waxa uu maayarku baaq u diray qurbejoogta u dhashay gobolkaas waxaanu yidhi. “Annagu hadaanu nahay golaha deegaanka haddii aanu qurbajoogta gacan ka codsan jirnay, taasoo ahayd horumarinta degmada maanta waxaanu idin leenahay soo caawiya dadkiina abaaraysan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply