Madaxweynaha oo Qaabiley Macalin ay isku Magac Yihiin oo Lagu Xidhay Hargeysa

0
289

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaabilay macalin dhowaan ciidammada booliisku ku xidheen Hargeysa, balse dib loo sii daayey habeenimadii Khamiistii.

Kulanka qaabilaada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee macalinkan magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aan wax faahfaahin ah xukuumaddu ka soo saarin, ayay si weyn dadweynahu u soo dhoweeyeen maqalkiisa.

Xadhiga macalinkan oo maamule ku-xigeen ka ah dugsiga wiilasha ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa oo siyaabo kala duwan bulshada Somaliland faalooyin uga bixiyeen ayay ciidammada booliisku ku sheegeen inay baadhayaan dambiga loo haysto.

Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye guuto, Cabdillahi Fadal Iimaan, oo wax laga weydiiyey maalmahii la soo dhaafay xadhiga macalinka ayaa sheegay in markuu ogaaday in ciidanku daba socdaan uu bedalay magaciisa ninkaasi oo uu la baxay Xaddi.

Sheekadan oo maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay qalabka warbaahinta iyo barkulanka bulshada, ayaa si weyn loo soo dhaweeyay sii dayntiisa iyo inuu la kulmay madaxweynaha Somaliland. waxaa dadku ay ku tilmaameen kulanka madaxweynuhu la yeeshay mid ka turjumaysa bisaylka siyaasadeed ee Madaxweynaha Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply