Somaliland: Warbixin Caddeysay in 80% Xoolihii Noolaa ku Le’deen Abaarta Adag

0
266

LASCANOD(DAWAN)- Warbixin ay baahisay laanta caalamka la hadasha ee idaacadda  VOA, ayaa sheegtay in  xoolihii noolaa ee Somaliland boqolkiiba siddeetan  ay galaafatay abaarta  baahsan ee saamaysay mandaqada, taasi oo sida oo kale  dishay tobaneeyo qof, islamarkaana kumanaan kale gayeysiisay in ay   ku hoydaan kaamam barokac.

 

“Xaaladu waa mid aad halis u ah, waxaanay abaartu dishay xoolaha intii badneyd,” sidaas waxa yidhi  Maxamuud Cali Saleebaan, badhasaabka gobolka  Togdheer ee xaruntiisu tahay Burco. “Waxa aan sugeynaa xilli roobaadkii, balse haddii aanu di’in maalmaha inna xiga, waxa aan fileynaa in xukuumaddu ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah.”   Waxa sarkaalku intaa ku darey   in ay  50 qof in ku dhaw ugu dhinteen xanuuno la xidhiidha abaaraha daafaha Somaliland.

Warbixntu waxa ay leedahay dhammaan bulshada reer guuraaga ah ee ku dhaqan gobolkan oo dhami waxa ay sheegeen  in aanay hore u arag abaar la nooc ah tan maanta taagan.

 

Jaamac Xandulle Yaasiin, oo ah  63 jir  xoolo raacato ah ayaa sheegay in uu ku waayay abaarta 280 adhi ah, haatana ay u soo hadheen oo keliya 30 neef. “Macaluusha ayaa saameysay wax kasta, waxaanay haatan xaaladu mareysaa meel aad u halis ah oo ay tahay in aan lafahayaga u baxsano intaanaan ku dhiman halkan,” ayuu yidhi. “Waxa aan ka codsanaynaa  dunida in ay si degdeg ah  noo ssoo taageerto.” Haweenay jirtey 73, ayaa iyana tidhi , “Tani waa tii ugu xumeyd ee aan abid arko nolosheyda.”

 

Somaliland waxa hore u saameysay sannadkii  2011 abaar mandaqada  ka dhacday oo galaafatay dad lagu qiyaasay 260,000 oo qof, balse abaartaasi sida warbixinta VOA sheegatay  waxa saameynteeda ugu darani ku habsatay  koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Abaarta waqtigan joogtaa waxa ay ku qasabtay tobanaan kun oo xoolo  dhaqato ah in ay u hayaamaan  meelo ka durugsan magaalooyinka oo ay ka sameysteen kaamam lagu hoydo.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa iyada oo ay biyihii gabaabsi noqdeen awgeed ayaa waxa abaartii ku qasbatay dad badan oo ku nool kaamamka dibadda ka ah Laascaanood in ay cabaan biyo wasaqeysan.

Dadka abaartu saameysay sida ay sheegayso warbixintu waxa ay sheegayaan in ay wax yari ka soo gaadheen dowladda ama heyadaha gargaarka.

Qaramada midoobay ayaa dhawaan waxa ay ka digtey in ay dad gaadhaya   6.2 million qof  oo Soomaali ahi in  ay waajahayaan cunto yaraan ba’an.

Sida ay sheegaysana In ka badan  1.5 million  dadkaasi ah ayaa ku nool   Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply