Booliska Ingiriiska oo sheegay in ninkii xarunta baarlamanka weeraray keli ku ahaa falkaa

0
297

Booliska ayaa sheegay in ninkii qaaday weerarkii Westminster, Khalid Masood, aan cid kale ka dambeyn ee uu keli ku ahaa falkaas, isla markaana aanay jirin xog dheeraad ah oo muujinaysa inuu damacsanaa inuu weerarro kale qaado.

Ku xigeenka kaaliyaha taliyaha ciidanka booliska, Neil Basu, ayaa yidhi “Waa in aynu dhamaanteen aqbalnaa in ay suurto gal tahay in aynaan ogaan karin sababtii ku kaliftay inuu falkan geysto”.

Afar qof ayaa dhintay 50 kalena way dhaawacmeen ka dib markii Masood uu baabuur jiidhsiiyey dadka ka hor intii aanu tooriyeynin askari boolis ah.

Qoyska askarigaa dhintay oo la odhan jiray Keith Palmer ayaa sheegay in geesinimadiisii aan la iloobi doonin.

Boolisku waxay sheegeen in Masood oo 52 jir ahaa ay hore maxkamadi ugu heshay dambiyo, laakiin aan kuwaa midkoodna ahayn dambi argagixiso la xidhiidha iyo inuu sidoo kale adeegsan jiray magacyo badan oo been ah.

Wuxuu ku dhashay Dartford, Kent waxaana warqadiisa dhalashada magacii loogu qoray ahaa Adrian Elms, laakiin markii dambe wuxu qaatay magacii nin ay hooyadii mar dambe guursatay oo waxa caruurnimadiisii magaciisu noqday Adrian Ajao.

Sanadihii 2000 ayaa lagu helay dambi lagu soo oogay oo ahaa in uu qof si arxan darro ah dhaawac ugu geystay oo uu toorray nin wejiga kala dhacay ka dib markii ay isku af-dhaafeen meel khamriga lagu qabo dhexdeeda.

Leave a Reply