Dalka Denmark Oo Noqday Dalka Kowaad Ee Ka Faa’iidaysta Tamarta Dabaysha

0
348

Dawlada dalkaasi Denmark ayaa noqotay dawladii ugu horeysay ee si weyn uga faa’idaysanaysa tamarta  Dabaysha, iyada oo qaybo kamid ah dalkeeda ku rakibtay qalabka  tamarta ka dhaliya dabaysha oo aad u waaweyn.

Waxaana qalabkaasi ugu waaweyn marawaxadaha wareega , iyaga oo dherer ahaan gaadhaaya ilaa 80 meter, sidoo kalena waxa jira kuwo kale oo iyaguan gaadhaaya dherer ahaan ilaa 220 meter, waana kuwo aad u awood badan oo soo saaraaya saacaddii  ilaa 260,000 oo Kilowat oo laydh ah .

Waxaanu noqonayaa mid  dhamaystiran oo awood u leh inuu shido boqolaal guri , isaga oo shidaala bil dhan, waxa kale oo uu laydhkaasi noqonayaa mid la heli karo muddoo 24 saacadood ah.

Marawaxadaha 80 meter ah ayaa ku yaala meesha lagu magcaabo Madi oo dalkaasi ka tirsan, kuwaas oo culayskooduna yahay ilaa 38 tan, waxaana lagu rakibay goob xeebta ku taala oo ah goobaha ugu dabaylaha badan.

Shirkadda rakibaysa qalabkan ayaa  ku guulaystay mashruucan sannadkii 2016 kii, iyada oo tijaabadeedii ugu horeysay tijaabisay  soona saartay 216,000 oo kWh  oo shaqaynaaya 24 saacaddood, kaas oo laga dalbaday inay kordhiso.

Dabaysha ka dhacaysa xeebaha wadankaasi ayaa la filayaa inay dhaliso dab badan, kaas oo laydhka u shidi doona guryo lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 230,000 oo guri , sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan.

Wadamada Denmark iyo Ingiriiska ayaa ahaa wadamada isticmaala dhuxul dhagaxda, iyaga oo doonaayey wixii ay ku bedeli lahaayeen,waxaanu sidoo kale laydhkani noqon doonaa mid aad u jaban , marka loo eego ka iminka la isticmaalo.

Leave a Reply