Gaadhi Is wada oo Shil galay

0
292

Shirkadda leh tiknoolajiyadda tagaasida lagu kireysto ee Uber ayaa wadooyinka ka saartay gawaadhideeda bilaa darawalka ah, ka dib markii uu shil galay mid ka mid ah. Sawiro la soo dhigay internet-ka ayaa muujinaya gaadhi dhinac dhinac u yaalla waddo ka tirsan gobolka Arizona ee Maraykanka, ka dib markii uu mid kale si xun ugu dhacay.

Gaadhiga oo ah nooca Volvo SUV ayaa is-waday marka uu shilka galayay Jimcihii, sida ay sheegtay Uber-na ma jirto cid ay waxyeelo kasoo gaadhay shilkaasi.

Haweeney u hadashay booliska Tempe, Arizona ayaa sheegtay in shilka uu dhacay ka dib markii uu gaadhiga kale ka joogsan waayay walow uu signalka dhanka bidix u shitay gaadhiga is-waday.

Gawaadhida is-wada ee Uber ayaa markasta waxaa saaran qof diyaar u ah in uu isteerinka la wareego haddii ay wax xumaadaan.

Shirkadda Uber ayaa wajahaysa xilli adag, iyadoo dhawaan ay shaqada ka tageen dhowr mas’uul oo sarsare oo uu ka mid yahay madaxweynaha shirkadaasi Jeff Jones.

Leave a Reply