Somaliland oo ka Guuraysa Nidaamka Maamul Maaliyadeedkii Qadiimiga ahaa

0
288

Hargeysa(Dawan)-Dawladda Somaliland ayaa  ka guuraysa nidaamkii qadiimiga ahaa ee hab maamul maaliyadeedkeeda, waxaanay uga digo roganaysaa habka casriga ah ee elektarooniga ah oo si rasmi ah loo daah furi doono 1da April 2017-ka.
Waxaa  tababarkii u horreeyay ee hawl-wadeennada maaliyadda loogu carbinayo nidaamkan cusub lagu qabtay xarunta machadka shaqaalaha dawladda ee Hargeysa. Kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda maaliyadda Mr. Maxamed Xasan Ibraahim, ayaa sheegay in nidaamkan cusub ee macluumaadka maamulka maaliyadda (Somaliland Financial Management Information System (SLFMIS) uu dawladda ka saacidi doono sidii hab hufan oo wax ku ool ah loogu maareyn lahaa kharashaadka ay galayaan Hay’adaha dawladdu.

Khabiirkii hirgeliyay nidaamkan cusub oo la yidhaahdo Mr. Basel Bista Windls iyo Amiin Abshir oo ah Madaxa IT-ga ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa sheegay in habkan casriga ahi uu ka faa’iido badan yahay nidaamkii qadiimiga ahaa, waxaanay ka qaybgalayaasha u soo jeediyeen in ay ka faa’iidaystaan tababarkan labada maalmood ah, maadaama oo ay fursad u heleen inay noqdaan saraakiishii ugu horeysay ee tababarkan la siiyo.

Tababarkan waxa ka qaybgalay masuuliyiinta xisaabaadka, agaasime ku-xigeeno ka socday Wasaaradaha Beeraha, Caafimaadka, Maaliyadda, Xisaabaadka guud iyo Hantidhawraha Guud.
Marka lagu guulaysto natiijooyinka tabobarkan, waxa la wada gaadhsiin doonaa dhammaan xukuumadda dhexe, dawladaha Hoose, Baanka dhexe iyo Wakaalada Biyaha Hargeysa.

Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply