Baro Sababta Ay Dumarku Raga Uga Galitaan Badan Yihiin Musqusha!

0
563

Kaadida oo muddo dheer lagu hayo kaadi haysta ayaan wax dhib ah lahayn, balse waxaaba laga yaabaa in ay faa’ido ku jirto boodboodka, soc socodka iyo sabirka uu qofku u samrayo kaadida haysa.

Hadaba su’aashu waxay tahay waa maxay faa’idada ku jirta kaadida oo qofku cabaar isku hayo, maxay se ka yidhaahdeen dhakhaatiirtu arinkan, yaa se adkaysi badan raga iyo dumarka marka laga hadlayo arinkan? Jawaabaha hoos kaga bogo!

Dad badan ayaa aaminsan in kaadida oo la isku xijiyaa ay dhibaato u leedahay caafimaadka qofka bina aadamka ah iyaga oo ku saleeya in Bacteriadu ay ku uruurayso kaadi haysta, taasina ay olol u keenayso, balse khubaradu arrinakn kasoo horjeedkiisa ayay qabaan.

Sida ay dhakhaatiiru sheegayaan kaadida ood isku hayso muddo dheer waxa ay faa’ido u leedahay in ay Bacteriada ku uruurta kaadi haysta ay ka tirtirto, wax dhib ahna aanay ku jirin hadii ay qofka kasoo dhibicdo iyada oon taas macnaheedu ahayn in uu qofku xanuun ka cabanayo.

Culimadan ka soo jeeda dalka Germany waxa kale oo ay tibaaxeen in ay ragu ka adkaysi badan yihiin dumarka marka laga hadlayo xejinta kaadida, iyada oo ay dumarku dhinaca musqusha ugaga galid badan yihiin, waayo kaadi haystooda oo ka yar ta raga.

Kaadi haysta raga ayaa waxa ay qaadaa 350 ilaa 500 oo Millileter, halka ta dumarku ay ka qaado mug dhan 200 illaa 400 oo Millileter, sababtuna ay tahay riximka ama ilmo galeenka oo cidhiidhya kaadihaysta, kolka ay dumarku uurka leeyihiinna ay aad uu aad usii yaraado mugga kaadi haysta dumarku.

 

Leave a Reply