Caaqil ka Dayriyay Shuban Biyood Lixdan Qof ku Dilay Degmada Daroor

0
303

Hargeysa (Dawan)- Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen ayaa ka dayriyay xaaladda shuban biyood ka dilaacay degmada Daroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobaya, waxaanu  ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay ka feejignaato kana hor tagto si aanu dalka ugu soo gudbin  shuban biyoodkaasi oo ay u geeriyoodeen lixdan qof.

Caaqil Xasan oo shalay waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan, ayaa waxa uu sheegay in dadka u geeriyooday xanuunkan badankoodu ay ku dhinteen tuulada Sheekh Yoonis ee ka tirsan degmada Daroor, waxaana uu xusay   in dad aad u badani ay u jiifaan shuban biyoodkaas.

Xasan Ibraahim Xuseen oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga oo ah caaqilka  degmada Darroor iyo iyo baliga Sheekh Yoonis, waxa shuban biyood ka dilaacay jiida degmada Daroor iyo nawaaxigeeda oo ay ka mid tahay baliga Sheekh Yoonis, markaa dad badan ayaa ku dhintay ugu yaraanna 60 qof ayaa dhintay, dad kalena xanuunkan shuban biyoodka ayay u jiifaan, laba qaybood  ayayna u jiifaan, qayb magaalada Daroor ayay jiifaan qaarna waxa ay jiifaan baliga Sheekh Yoonis  oo loo sameeyay waabab, markaa kuwa dhimashadu ku badan tahay waa kuwa baliga Sheekh Yoonis,  maanta (shalay) waxa la soo sheegay in  saddex qof ay  dhinteen, dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya  dawooyin waa keentay, laakiin waxaa laga rajaynayaa in ay ambalaasyo degdeg u keenaan”.

Caaqilku waxa uu u soo jeediyay dawlada  Somaliland in ay ka feejig naato sidii aanu ugu soo gudbi lahayn shuban biyoodkani dalka, waxaana uu yidhi “Dawlada Somaliland waxa aan ka codsanaynaa in ay ka hor tagaan shuban  biyoodkan oo ka hor tag adag ay sameeyaan iyo baadhitaan oo laga taxadiro baabuurta soo galaya magaalooyinka dalka oo dawooyinka la sii dhigo kaantaroolada, si aanu cudurkani si dhib yar inoogu soo galin, mar haday roobabkii bilaabeena dabaysha iyo biyuhuba waa keeni karaan, waayo meelo badan ayuu inaga soo gali karaa,  waana wax soo socon kara, degmada Daroorna cisbitaal waa leedahay laakiin dadkii ayaa ka batay markaa ma qaadi karo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply