Qabiil Kaymaha ku Nool oo Magdhaw laga Siinayo Dayaarad ku Dhacday Deegaankeeda

0
297

Mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn dalka Barazil oo la yidhaa Gol, ayaa aqbashay in ay magdhaw 1.3 milyan oo Dollar ah siiso qabiilo degan kaymaha dalkaas oo dhulkii ay deganaayeen diyaarad shirkaddu leeday oo ku dhacday sannadkii 2006 khasaarena gaadhsiisay.

Diyaarad shirkadda Gol leedahay iyo mid kale oo gaar loo leeyahay ayaa isku dhacay iyagoo dul maraya seeraha loo xayn daabay qabiilka Caiapó .

Qabiilka Caiapó way diideen in ay dhulkaa diyaaraduhu ku dhaceen dib ugu noqdaan oo degaan, waxa ayna sheegeen in dhulkaasi dikhoobay oo uu habaaranyahay maadaama oo arwaaxdii dadkii dhintay goobtaa gaaf wareegayso.

Tuulo ay deganaayeen iyo goob caafimaad oo wakaaladda Barazil ee dadka dhulka asalka u leh taageerta ee la yidhaa Funai ay u dhistay, ayey qasab noqotay in meel kale oo ku taalla seeraha looga dhiso, sidaana waxa telefishanka Globo u sheegay caaqilka Caiapó.

Shirkadda Gol iyo hogaamiyeyaasha qabiilkan ayaa dacwad mudo dheer socotay ka dib, waxa ay ku heshiiyeen in ay kiiska maxkamadda ka saaraan waxa aanay bixinta magdhawgan ku kala saxeexdeen xaflad la qabtay bishan horaanteedii.

 

Leave a Reply