Mudane ka Tirsan Guurtidda oo si Kulul Uga Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay Xildhibaan Koore

0
274

Hargeysa(Dawan)- Xildhibaan Cabdirashiid Sh. Cabdilaahi Aadan  (Cabdirashiid Fakar ) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, kana soo jeeda gobolka Buuhoodle, ayaa  dhawaaq turxaan leh  ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool, kaas oo xukuumadda u soo jeediyay in la gacan geliyo Buuhoodle oo uu ku sifeeyay meel ay  ka taliso Puntland.

Xildhibaan Cabdirashiid Fakar, waxa uu Saleebaan Cali Koore u soo jeediyay inuu bulshada Buuhoodle u caddeeyo waxa uu uga jeedo gacan gelinta uu sheegay. Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu xalay u waramay wargeyska Dawan  oo nagula soo xidhiidhay khadka Telefoonka.

Cabdirashiid Fakar waxa uu Koore  ku eedeeyay inaan wali xal loo helin wax uu ugu yeedhay dhacdadii shaqaaqadii uu sababta u ahaa ee ka dhacday degmadda Talleex ee gobolka Xaysimo.

 

 

Xildhibaanka oo daba socday hadalkii ka soo yeedhay xildhibaan  Saleebaan Cali Koore, waxa uu yidhi; “Waxaa ii  muuqatay inaan naqdiyo hadalka  ka soo yeedhaXildhibaan Saleebaan Cali Koore oo  ka hadlayey madashii daahfurka sahaminta khayraadka dabiiciga ee uu madaxweynuhu safarka maalmaha qaatay ugu ambabaxay deegaannada bariga, sidaa awgeedna uu xildhibaan Saleebaan Cali Koore  madashaa warbixin uu ka bixinayey xaalada guud ee gobollada bariga sida fidinta maamulku uga hana qaaday iyo heerka ay xilligan marayso.

Anigoo xildhibaanka runtiisa iyo beentiisa midna aanan jeclayn inaan ku sharxo halkan haddana waxa igu kelifay inaan ka hadlo deegaannada bariga oo uu gaar ula baxay una takooray gobolka Buuhoodle, isagoo sida warbaahinta ku xusnayd u adeegsaday kelmadaha ah in loo baahan yahay in ay xukuumaddu gacan geliso gobolka Buuhoodle  iyo nawaaxigiisa oo sida uu sheegay uu maamulka Puntland ka taliyo.”
“Gobolka Buuhoodle wuxuu   ku jiraa gudaha Somaliland, waxaa  ku wareegsan saldhigyada iyo xarumaha ciidanka qaranka Somaliland, sidaa darteedna shaqsiyaadka xitaa ka soo jeeda uuhoodle ee Puntland u shaqo u tegay marka ay imaanayaan waxay uga soo wareegaan Bookh oo tirsan Itoobiya, waana mid cid kastaa og tahay. Xukuumaddani ma aha mid war ku seegan yahay Buuhoodle waxa uu gobolkani xarun u ahaa maamulkii Cali Khaliif oo xukuumadda Somaliland wadahadalka la gashay ee wadahadalladiina marayaan heer gabogabo ah. Anigu ma odhanayo  Talleex oo  ku taalla duleedka Garoowe ayay madaxda Puntland ku laba raadleeyaan haddii aad meel tilmaamayso Talleex ayaad ka soo jeedaa. Waxaanan ku leeyahay haddii shirarkii aad ku qabatay Awr-boogays iyo Adhi-caddeeye aad wax ku weyday annagaa wax kaaga keenayna ee samir u yeello waxaad xukuumadda ka tabayso ee kaaga maqan.Gobolka Buuhoodlena  siyaasiyiin xukuumadda ka tirsan  xildhibaanno iyo madax dhaqanba wuu leeyahay oo arrimahaas aad ka hadashay lagala xidhiidho, laakiin ogow wax waliba waxay ku xidhan yihiin wadahadalkaa Jabuuti loo fadhiyo ee gebogebada ah,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirashiid Fakar.
Xildhibaanku waxa uu Saleebaan Cali Koore u soo jeediyay inuu bulshada u caddeeyo gacan gelinta uu sheegay waxay tahay, waxaannu yidhi,  “Xildhibaan Koore isaga ayaa looga fadhiyaa inuu shacabka u jilciyo gacan gelinta uu sheegay waxay tahay iyo halka loo marayo Buuhoodle ee ka duwan degaannada Sool iyo Sanaag. Waxaan u arkaa inuu doonayo inuu sii didiyo  bulshadaas diwaangelintiina gashay ee ay ka dhacday Carro-weyn oo 35km u jirta Buuhoodle. Waxay diiwaangelintii ka dhacday Widhwidh iyo Qorilugud, shacabkuna waa u diyaar  inay wax la qabsadaan dawladooda Somaliland. Hadalka Saleebaan Koore waxaan u arkaa turxaan beeris kale. Waxaan  leeyahay xildhibaan Koore  weli xal looma helin dhacdadii aad sababta u ahayd ee ka dhacday Talleex, shacabka ku dhaqan gobolkaasina wuxuu kaaga fadhiyaa inaad u caddeyso gacangelinta Buuhoodle ee aad xukuumadda  u soo jeedisay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply