Mareykanka oo looga Digay Waxyeelada Dadka Rayidka ah

0
267

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay dowladda Ciraaq iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanku hoggaaminayo inay dib u eegis ku sameeyaan ‘xeeladaha’ ay adeegsadaan marka ay la dagaalamayaan kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Zeid Ra’ad al-Xuseen ayaa dhinacydan ugu baaqay inay masuuliyad iska saaraan ilaalinta iyo difaaca dadka rayidka ah marka ay dagaallada kula jiraan Daacish.

Dagaaldlaasi ayaa waxay hadda ka socdaan galbeedka Mosul.

have carried out

hundreds of air strikes in the battle to recapture Mosul

Sarkaalkan ayaa sheegey inuu aad uga xun yahay dadka shacabka ah ee ku nafwaayey dagaalada Mosul waxuuna dalbaday in lagu sameeyo baaritaan ballaaran sida dad rayid ah oo ku dhow 350 qof ay ku dhinteen tan iyo bishii la soo dhaafay ee February.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyay xeeladaha ay adeegsato kooxda Daacish sida inay dadka rayidka ah ka dhigato gabbaad iyo inay layso dadka doonayo inay ka cararaan magaalada.

Hay’adda xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa horay ugu eedaysay Isbaheysiga uu Mareykanku hoggaaminayo inay ku guuldarreysteen inay ka baaqsashada waxyeelada dadka rayidka ah marka ay la dagaalamayaan kooxda Daacish.

Ciidammada isbaheysiga wali kama aysan hadlin eedayntan u dambeysay balse horay ayay u sheegeen inay sameyn doonaan wax kasta oo suuragal ah si ay uga baaqsadaan inay dhibaateeyaan dad rayid ah.

thousands have fled their homes, many have followed advice to wait for troops

Xooggaga taabacsn dowladda Ciraaq ayaa billaabay duullaanka ay doonayaan inay magaalada Mosul dib uga qabsadaan kooxda ‘dowladda Islamka shan bilood ka hor.

Mosul waa magaaladii u dambeysay ee wali ku hadhsan gacanta Kooxdan oo cadaadis badan la kulantay bilooyinkii la soo dhaafay.

Leave a Reply