Madaxweynaha oo si Diiran Loogu soo Dhaweeyay Hargeysa, Soona Kormeeray Xumbo Weyne

0
276

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay dib ugu soo laabtay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markiim uu soo dhammaystay socdaal shaqo oo uu ku soo maray gobollada Saaxil iyo Togdheer, waxaanu booqday biyo xidheenka Xumbo Weyne.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu kormeer hawleed ku soo maray dhismaha jidka laamiga ah ee ay dawlada hoose ee Hargeysi gacanta ku hayso, kaasi oo maraysa Saldhiga dhexe ee Booliska hortiisa, lagana soo bilaabayMadaarka Hargeysa.

Maayarka caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),  ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay siday hawshu ugu socoto, madaxweynuhuna wuxuu hambalyo u diray Maayarka iyo guud ahaan inta ku hawlan shaqadaasi qiimaha badan, ka dib madaxweynuhu waxa uu salaan gacan taag ah ugu tegay dadweyne aad u tiro badan oo soo buux dhaafiyey jidadka caasimada, waxaanu u soo gudbay dhinaca qasriga madaxtooyada oo ay ku sugayeen haldoorka bulshada Somaliland iyo masuuliyiin uu hoggaaminayey madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Socdaalkan madaxweynaha oo qaatay muddo afar maalmood ah ayuu madaxweynuhu ku tegay gobollada Saaxil iyo Togdheer oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo mustaqbalka dhow iyo ka fogba qaranka iyo shacbigiisa guul taariikhi ah u leh, shacbiga Somaliland oo ka duulaya aragtidaasi madaxweynaha ayaa shalay kaga jawaabay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen madaxweynaha qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply