Allah (sw) Wuxu Qoray Ayuunbaa Dhacaya

0
243

Waxaa laga weriyay Ibnu Cabbaas (Rc), Inuu yidhi: Anigoo maalin daba socda Nebiga( scs) ayuu igu yidhi: “Wiilyahow waxaan ku barayaa ereyadan; Allah dhowr isaguna waa ku ilaaline, Allah dhowr waxaad ka heli doontaa hortaada. Haddii aad wax baryaysid Allah bari, haddii aad gargaar dooneysid Allah gargaarso.

Ogow haddii ummaddoo dhami isugu tagto inay wax kuu tarto waxaan Allah kuu qorin kuuma qaban karaan. Haddii ay isugu tagaan inay dhib ku gaadhsiiyaan kuma gaadhsiin karaan waxa Allah kuu qoray mooyee, qalinkii waa la rafacay, xaanshiduna wey qallashay.” Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah.

Leave a Reply