Wasiirro Kormeeray Banka Qool-caday oo Laga Qoday Ceel Biyood Xukuumaddu ku Guulaysatay Hirgelintiisa

0
351

Hargeysa (Dawan)-  Wefti Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay  kormeeray Banka Qool-caday oo ay Xukuumaddu ka hirgalisay Ceel biyood iyo mashaariic kale.

 

Weftiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Xanaannada Xoolaha Cabdilaahi Cukuse, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Biyaha Xuseen Cabdi Boos iyo Wakiilka , Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar ayaa sidoo kalena kormeeray Dugsiga boodhinka ah ee Sallaxlay.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Farxad weyn ayey noo tahay  in aanu socdaalkan kormeerka ah ugu soo baxno degmadda Sallaxlay iyo deegaannada hoos yimaada, ujeeddada socdaalkayagu waxay salka ku haysay in aanu soo indho-indhayno dugsiga farsamada gacanta ee Haldoor ay gacanta ku haysay oo xukuumad ahaana aanu gacan weyn ka gaysanay, annaga oo jecel in aanu halkan ugu mahad celino ururka Haldoor, dhallinyaradaas mutadawaciinta ah ee aragtida dheer la yimid ee mashruucaas hindisay aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa, waxaanu iyaga iyo deegaankaba ugu balan qaadaynaa in aanu mashruucaas qabyo tiri doono. Waxa kale oo aanu soo marnay ceelkii Qoolcaday , ceelkaas oo qodmay sadex boqol iyo dhawr iyo todobaatan mitir, waxa laga maalgaliyey mashruucaas sanduuqa maalgalinta Somaliland, xukuumadda Somaliland ayaa qorshaheeda dhigtay, waxaanu u mahad celinaynaa dawladihii innaga caawiyey maalgalinta ee dawladdaha Ingiriiska iyo Denmark ay ka mid yihiin.”

 

“Waxaanu u nimid in ceelkaas furitaankiisa bilowgiisii aanu indho-indhayno, biyihii soo baxay arragno qabyo yar ayaa ku jirta, oo ah dardarkii, taangigii iyo qolalkii waashmaanadu seexanayeen si fiican ayaa maalinta dambe loo qabyo tiri doonaa, ceel labaad ayaa deegaankaa lagga qodi doonaa. Mashaariicdaasi waxay ahaayeen mashaariic deegaankan muran badan ka abuuray, Xukuuamdda Somaliland waxay qorshaysay banka qoolcaday inay xidho oo xiliyada abaaruhu dhacaan sida ta maanta oo kale lagaga baxsado abaarta, xiliga gu’gana ay innoo xidhnaadaan oo naqa ka baxa aynu daajino xoolaha xiliga kaliisha iyo jiilaalka, dacaayad badan ayaa lagu furay dadka samaha diida iyo dadka horumarku neceb ama maalgashi diidka cuduradaasi ku dhacaan waxay sameeyaan dacaayado ka dhan ah waxa la qabanayo, ilaayo dacaayada la gaadhsiiyey barri ayaa dad laga soo rarayaa dabadeena waxa lagu furi doonaa banka qoolcaday, ILAHAY bani-aadamka cid walba meel ayuu ku abuuray cidina cid meel kala qaadi karto, cidina isma riixi karto, Ilaa xadkaa caqliga wanaagsani aanu qaadan karin ayey gaadhay,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirku waxa uu intaas raaciyay; “Dad si wanaagsan u fikirayayna way jiraan oo lahaa  meeshani waa deegaankayagii haddii nalaga xidho xagaanu u guuraynaa, xiliga barwaaqada ah xagaanu tagaynaa, dhulkii waa la kala ootay, aragtiyada aan la kulmayey annigu taas ayaa ugu wanaagsanayd. Waxaanu xukuumad ahaan ka kulanay dareen xoogan oo ah waar biyaba ma rabno, ceelalna ha nooga qodina, oo ma haraadka ayaa doonaysaan?, arragtidii dadka waanu eegnay, dadka ma midaysnayey ee wuu qayb Sanaa, marka bulshadu aragti ku qaybsanto shardi maaha in la wado raaco, annaguna horumar iyo hal abuur ayaanu wadnay, waayo bini aadamku isku caqli maaha, isku aqoon maaha isku garashana maaha, waxa laysku xukumaa ninka hogaamiyaha umadda ahi wuu ka aragti dheer yahay ninka uu xukumo, dadka raydka ah iyo shacbiga, wax ILAHAY masuuliyada u saaray inuu keeni karro ama garan karo wax aanay inta kale garan karin, macnaheedu maaha dadka oo dhan ayuu ka caqli badan yahay, waxa ninka umadda u taliya la talisa inta umadda u caqliga badan, waxay helaan tallo faro badan si dadban iyo si toos ah.”

 

Wasiir Maxamuud oo ka hadlayay  dulqaadka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi; “Mashruucan caqli iyo hal abuur ayaanu ku galnay wax se ka hor imid daadad iyo duufaanno ka dhan ah iyo aragtiyo ka dhan ah, waxaanu mudo qancinaynay bulshada, Xukuumad bisil oo waayo arag ah ayaanu nahay, xoogna kumaanu qaban wixii naga hor imid, Xukuumad kali talis ahna ma nihin, waxaanu nahay Xukuumad dhawrta xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta, xoriyada hadalka tixgalisa, markii dagaal xooga nalagu qaaday waxaanu isku daynay in aanu Umadda qancino, u caqli celino u jilib salaaxno, waar dadka maanu laaluushine waanu qancinay. Intii badnayn ayaa na raacday. Ka dib waxaanu nidhi inta yari ma xanibi karto horumarka, sharcigana gacanta kuma qaadan karto, xoogna kuma joojin karto, hadii xoog jiro dawlada xooga leh, dadku xooga ma le’eh, dawladdu iyadaa dadka kala celisa, iyadaa dadka caddaalad u samaysa iyadaa isku wada, Dawladdu qolona maaha, kooxna maaha ee waxaa wixii ummadan ka dhaxeeyey, maalinbana nin baa hoggaaminaya.”

 

“Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka hadlay sababta loo joojiyey seerihii banka Qoolcaday waxaanu yidhi “ Mashuurcii banka xidhitaankiisa dibaanu u dhignay, lacag badan ayaa ugu jirtay Sanduuqaas, waxaan dadka deegaanka u sheegayaa waxa ay ahayd  qorshe looga qorsheeyey sanduuqa horumarinta Somaliland, deegaanada dalka waa loo qaybiyaa mashaariicda, umadda qaniimada qaranka waa loo qaybiyaa qayb ay u haleen ayey ahayd haduu mashruucaasi dib uga dhacaynba murankii iyo buuqii ayaa keenay, annagu meel adag ayaanu iska taagnay dibna umaanu dhigneene waxa se dacwadu gaadhay ilaayo dawladihii deeqda bixinayey dacwad loo geeyey oo la yidhi waa laysku dilayaa, mashaariicdiinii oo ay nagu yidhaahdeen cashuurta dadkayaga raali kama nihin in dhiig ku daato, waxaan leeyahay shacbiga Somaliland waxa aynu u bahaan nahay in is aaminka dhexdeena aynu kordhino oo tuhunka iyo is beeraadka iska saarno inaynu horumarka iyo maalgashiga iyo waxa inoo kordhaya soo dhawayno, midab iyo deegaan midna ma kala laha lab iyo dhadig-na ma kala laha barwaaqadu, ama waynu wada barwaaqoobi oo waa wada badhaanaynaa ama waa wada ba’aynaa. Waxa dalka u soo kordhaana waa wax inoo soo wada kordhay.”

 

 

Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in biyo laga helay deegaanka Sallaxley ooh ore biyo looga waayay, waxaannu yidhi;  “Maanta(shala)  waa maalin weyn waxaynu xukuumad, sallaadiin iyo shiciba soo booqanay  meeshii aynu ka quusanay ee ilaa 50-maadkii 40-kii biyaha laga waayay  deegaanka Saxalley iyo Qool-caday oo biyo laga helay waxaa ugu mihiimsan ee ugu weynina waa in biyihii la helay la xaqiijiyay. Ta  kale ceelkii kale waynu dhagax dhigaynaa, waxaa kaloo  aanu kormeeraynaa toddoba xanaanno oo dhakhtaro ah oo aanu ka dhisnay deegaanka degmada Salaxlley iyo tuullooyinkeeda”

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray;  “Waxaannu qodi doona saddex Bali oo waaweyn dibna looga caban-maayo biyo wax kaleba ha joogaane. wax dambe oo biyo laga cawdaa inaanay jirin ayaynu damacsanahay Ilaahay haynala qabtee. Waxaan leeyahay dhammaanteen  wixii xanaf shaqada innaga soo maray saamax ayaynu kala nahay, biyaha ayaynu wada cabaynaa waa wada noolaanaynaa, qof ceelka laga xigaana ma jiro waliba kii diidanaa ayaa ugu hor cabaya, waxaanaynu ugu mahadnaqaynaa Ilaahay iyo intii innagu garab gashay.”

“Cid meeshan isku dishayna may jirin cid dhaawacantayna may jirin, askartayada ayay ahayd ciddii wax soo gaadheen magtiina annaga (Xukuumadda) ayaaba bixinay madaxweynaha Somaliland magaciisa iyo amarkiisa ayaa waxqabadkan oo dhammi innoogu hirgalay iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo mashaariicdan maalgalintooda iska leh,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaannada Xooluhu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply