Qiso: Iyadoo Indhoole Ah Ayay Horumar Weyn Samaysay!

0
286

Haddii aad aaminsanyd in dadka naafada ahi aanay gaadhi Karin guul, taasi waa fikrad loo baahan yahay inaad maskaxdaada ka saarto. Tani waa gabadh Indhoole ah  laakiin noqotay  gabadha ugu haysata cunto karinta dunida. Gabadhaasi iyo horumarkeeda ayaa fikradaada ka dhigaya mid aan run ahayn oo ka hor imanaysa nolosha iyo dariiqa ay ku socoto.

 

Christina waa 35 jir ku qaadatay shaahada labaad ee Jamaacadda “Master Degree” cilimiga Fine Arts iyadoo ka baxday jaamacadda Houston ee dalka Maraykanka. Christina ayaa jeclaystay in ay xooga saarto xirfadda cunto karinta oo ay aad u jeclayd.

Gabadhan ayaa bilowday xirfadan iyadoo aan haysan wax shahaado ah laakiin waxay ka faa’iidasatay xirfadii hooyadeed oo iyadu ahayd dabaakh caalami ah.

Christina waxay samaysay cuntoooyin dunida caan ka noqday iyadoo kaga dayatay hooyadeed isla markaana adeegsatay maskaxdeeda iyo carabkeeda oo ay ku dhadhaminaysay. Waxayna noqotay kuuga dunida ugu caansan ee  cuntadiisa meel kala duwan oo dunida ah laga soo dalbado.

Leave a Reply