Duuliye Geeriyooday Diyaaradii oo Hawada ku Jirta

0
291

Duuliye ayaa geeriyooday Arbacadii xilli uu waday diyaarad uu ka soo duuliyey Magaalada Dallas kuna wajahnayd Albuquerque ee New Mexico ee dalka Mareykanka, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha ee American Airlines.

Diyaaradaas oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa 3 km uun u jirtay in ay caga dhigato, markii kabtanka diyaaradda uu ku dhawaaqay inay jirto xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda American Airlines.

”Diyaarada ayaa si tartiib ah u soo caga dhigatay iyadoo aanay dhicin wax dhibaata ah, kadib waxa alabaabka kula kulmay kooxda gurmadka deg degga ah”, ayuu yidhi afhayeenka.

Dhammaan rakaabkii saarna diyaaradda ayaa la sheegay inay bad qabaan. Duuliyaha geeriyooday waxaa magaciisa lagu sheegay William Grubbs .

Diyaarada waxa la wareegay oo dejiyay kaaliyaha duuliyihii geeriyooday.

2015-kii duuliye u shaqeenayey isla shirkaddan American Airlines ayaa dhintay intii uu ku guda jiray safar habeen ah oo uu diyaarad ka soo duuliyey magaalada Phoenix kuna socday Boston.

 

 

Leave a Reply