Trump oo Dabagal ku Haya Sidii uu Meesha uga Saari lahaa Xeerarkii Obama

0
276

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa saxeexay qaraar madaxweyne oo meesha ka saaraya sharciyadii la meel mariyey xilligii Obama talada hayey ee loogu talo galay in wax lagaga qabto is bedelka cimilada.

Madaxweynuhu wuxu yidhi qaraarkani wuxu soo af-jari doonaa “is mari waagii ka taagnaa dhuxul dhagaxda” iyo “xeerarkii dadka shaqo tiray”.

Qaraarkan madaxweyne ee ku saabsan madaxbanaanida tamartu wuxu meesha ka saarayaa dhawr xeer oo uu ninkii xilka uga horeeyey meel mariyey, waxaanu sahlayaa in dalka laga qodo shidaal iyo dhuxul dhagax.

Shirkadaha ganacsiga ayaa talaabadan ku amaanay maamulka Trump, laakiin dadka u ololeeya deegaanka ayaa iyagu dhaleeceeyey.

Aqalka Cad hortiisa ayaa dhawr boqol oo qof oo mudaharaadayaa iskugu soo baxeen si ay u muujiyaan in aanay la dhacsanayn qaraarkan madaxweynuhu saxeexay.

 

Leave a Reply