Komishanka Xuquuqal-Insaanka oo Tababar u Qabtay Hay’adaha Garsoorka

0
277

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Fatxiya X. Xuseen Jaahuur, ayaa shaaca ka qaaday in  Ciidammada Booliiska iyo Xeer-ilaalintu aqoon u leeyahiin xilgudashadooda, balse hadafkoodu yahay  is-xusuusiyo hagaajinta adeegyada loo qabanayo bushada.

Kulan-hawleed loo qabtay saraakiisha ciidammada Booliiska ee lix gobol oo bariga Somaliland iyo xeer-ilaaliyeyaasha gobollada, isla markaana socday muddo saddex maalmood,  ayay ka soo qeybgashay haweenay ka socotay Hay’adda Xuquuqal Insaanka Qarramada Midoobay.

Marwo Fatxiya X. Xuseen oo ka hadashay  ayaa sheegtay in ujeeddada kulan-hawleedku yahay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda bani’aadamka, waxaanay tidhi; “Waa farxad inaan joogo magaalada Burco, oo kulan-hawleed saddex maalmood soconaya aanu ugu qabanayno lix gobo loo Barriga Somaliland ah. Tababarkan ayaa loo qabanayaa Booliiska iyo xeer-ilaalinta oo wada shaqeyn dhow noo dhexeyso.”

Marwo Fatxiya X. Xuseen ayaa sheegtay in muhiimada kula-hawleedku yahay, sidii loo wanaajin lahaa adeegyada loo qabto bulshada, waxaanay tidhi,“Ciidammada Booliiska iyo Xeer-ilaalintu iyagaa innooga aqoon badan xilgudashadooda, laakiin muhiimada kulanku waa inaan is-xusuusino hagaajinta adeegyada aynu u qabano bushada.”

Miss Liza, haweenay ka socotay hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Xuquuqal-Insaanka, oo hadalo kooban ka jeedisay ayaa tidhi, “Dhammaantiin waan idiinka mahadcelinaya ka soo qeybgalka, waxaan rajeynayaa in dhamaadka kulan-hawleedkan aad laaban doontaan idinkoo korodhsaday khibrad dheeraad ah, sidii loo horumarin lahaa, loona ilaalin lahaa xuquuqda bani’aadamka.”

Taliyaha waaxda tababarada Ciidanka Booliiska Jamhuuriyada Somaliland  Gaashaanle Sare Siciid Xasan Maxamed ayaa bogaadiyey wada shaqeynta ay wadaagaan Guddiga Xuquuqal-Insaanka Qaranka JSL, waxaanu yidhi, “Waan u mahadcelinayaa Guddiga Xuquuqal-Insaanka JSL oo marwalba Ciidanka Booliiska la dabataagan inay dhisaan aqoontooda, maadama Booliiska iyo Guddiga Xuquuqal-insaanku labaduba u shaqeynayaan bulshada Somaliland.”

 

Kulan-hawleed noociisa ah oo hore Guddiga Xuquuqal-Insaanka Qaranku  uga soo qabteen lixda gobo lee Galbeedka, isla markaana kulankani noqon doonaa markii labaad ay ka fuliyaan gobollada Bariga, ayaa la filayaa inuu wax badan ku kordhiyo adeegyadii hay’adaha Garsoorka iyo Ciidamada Booliisku u qabtaan bulshada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply