Wasaaradda Maaliyadda oo Mar Labaad Baanka Dhexe ku Wareejisay $5 Milyan oo ay Bixiisay DP World

0
252

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay Baanka dhexe ku wareejisay shan Milyan  oo doolar oo ay bixisay Shirkadda DP World ee Maamusha Dekedda Berbera, taasi oo noqonaysa markii labaad ee Shirkaddu Dawladda ku wareejiso lacagtaasi oo Heshiiskii ay Dekedda kula wareegtay qayb ka ahayd.

Wasiirka Maaliyadda oo uu Wehelinayey Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Gudaha Baanka dhexe ee Hargeysa waxay ku soo bandhigeen Lacagta Shanta Milyan ah ee ay ku wareejiyeen Baanka dhexe, si ay u caddeeyaan in Shaqada ay Qaranka u hayaan ka madhan tahay Musuqmaasuq iyo wax is-daba marin.

Agaasimaha Waaxda Cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey waxa lacagtan ay Baanka ku shubeen tahay, waxaanu yidhi “Sidii ballanteennu ahayn Shantii Milyan ee qolada DP World bixinaysay ayaanu ku wareejinaynaa Baanka Dhexe ee Somaliland iyadoo Xisaabaadka soo martay, Xisaabiyuhuna saxeexay.”

Khasnajiga Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Seed Cali oo isaguna markii uu Lacagtaa la wareegay Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan kala wareegay Shantaa Milyan ee Hortayda yaalla.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Waxaanu joognaa Baanka dhexe ee Somaliland, waxaanu Akownka ku shubaynaa Shantii Milyan ee DP World ee hadhsanaa. Waxaan aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Qolada Baanka oo si hufan noogala wareega Lacagta, kuna shuba Akownka Lambarkiisu yahay 11.”

Wasiirka Maaliyaddu waxay ka jawaabtay eedaymo uga yimid Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inay Guddida Doorashooyinka ku wareejisay Jeeg aan shaqeynayn, “Beentu waa furaha Munaafaqa, beentii uu Qofku u sheegayey Qof kale ayaa imika lala soo fadhiisanayaa Warbaahinta. Habeen dhawayd waxaan daawanayey Nin weyn oo aan Ixtiraami jiray oo leh Lacagtii lagu wareejiyey Komiishanku been bay ahayd oo Baanka laguma shubin. Anigaa Komiishanka u qoray 24 Bilyan iyadoon Miisaaniyada noogu jirin, waana markii la lahaa Doorashadu waxay dhacaysaa bishan Maarij, Madaxweynuhu wuxuu yidhi Lacagtaa waa in la bixiyaa. Afartii Milyan ee Dollar Sarrifkii baa wax ka gooyey, waxayna ku jirtaa Akownka Komiishanka.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay inay ka xumaatay Hadalka Mucaaradku ku sheegeen inaan Komiishanka lagu wareejin Lacagtaasi “Aad baan ugu xumaaday hadalkaa, waayo ? Qof weyn oo intaas oo of daawanayso oo been Telefiishannada la soo fadhiistay. Markaa Lacagtana (aanu Baanku ku wareejinay) waxaanu sidan u yeellnay (u soo bandhignay) in aan la odhanin Doorkii horeba Lacag caddaan ah ayaa la wareejiyey ee maxaa doorkan Jeegga keenay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply