Bakistaan: Masaajid la Qarxiyay oo lagu Dilay ka Badan 20 Qof

0
313

Ugu yaraan 22 qof ayaa dhimatay ka dib markii qarax uu ka dhacay afaafka hore ee masaajid ku yaalla waqooyi galbeed dalka Bakistan

Shaqaalaha caafimaadka ee magaalada Parachinar ayaa sheegay in bambaano lagu aasay afaafka halka ay haweenku ka galaan masjidkaasi oo Shiicadu ay ku cibaadeysato.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in 72 qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo qaarkood dhaawacoodu uu halis yahay.

Waxaa u qaraxani uu dhacay xilli mashquul badan oo dadka  ay ku soo xoomayeen masjidka si ay ugu tukadaan salaadda Jimcaha.

Ciidanka Pakistan ayaa qaaday qaar ka mid ah dadka dhaawacmay cisbitalduna waxaa ay codsanayaan dhiig in lagu deeqo.

Parachinar waxaa ay ku taalaa dhulka qabaa’ilka ee waqooyi galbeed ee dalkaas waxaana marar badan ka dhacay  weeraro ay Sunniyiinta xagjirka ahi ay qaadaan.

Qarax kale ayaa halkaasi ka dhacay bishii Janaweri kaas oo ay ku dhinteen inka badan 20 qof.

 

Leave a Reply