Gobol laga Mamnuucay Qalidda iyo Cunista Hilibka Lo’da

0
353

Ninka u sarreeya gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa soo saarey amar lagu mamnuucayo qalista lo’da iyo cunista hilibkeedaba.

Amarka ay dawladda ku bixisay in la xidho dukaamada hilibka lagu gado ee gobolka Uttar Pradesh ayaa keenay in ganacsato iyo kawaanleey badan ay ku shaqo beelaan.

 

Dadkii ka ganacsan jiray waxay ku xanaaqsan yihiin wasiirka ugu sarreeya gobolka, Yogi Adityanath, oo ka soo hor jeeda in la qalo ama la cuno Lo’da oo dadka diinta Hinduuga haysta ay u arkaan inay muqaddas tahay.

Sidoo kale waxaa la xidhay meelaha lagu iibiyo hilibka adhiga iyo digaagga.

1970

Kawaanleyda badankood ayaa muslim ah, waxayna ka cabanayaan in si caddaalad darro ah loo bartilmaameedsaday.

Arrintan ayaa daba socota ballanqaad uu sameeyey xisbiga BJP ka hor intii uusan ku guulaysan doorashooyinkii gobolkaas ka dhacay bishan.

Shakeel Ahmed waa 52 jir, wuxuuna ka cabanayaa in uusan biili Karin carruurtiisa iyo labadiisa waalid.

Waxay ku nool yihiin guri aad u yar oo ku dhex yaalla deegaan ay ku badan yihiin muslimiinta Qureshiyiinta.

“Ragga qowmiyaddan ma laha xirfad kale. Horeba sabool ayaan u ahayn, iminkana ma hubno halka ay nooga imaanayso cunnada noo xigta” sidaa waxaa tidhi Fatima Begum oo ah Shakeel Ahmed hooyadii oo ah qof xanuunsanaysa.

“Waxaa iga sii dhamaanaya Dawooyinkii, umana sheegin wiilkayga, sababtoo ah ma doonayo in aan dhib ku sii kordhiyo” ayey sii raacisay.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaysa in ay jiraan dukaamo hilibka lagu gado oo la weeraray.

 

 

Leave a Reply