Madaxweynaha Golaha Yurub oo ka Hadlay ka Bixitaanka Ingiriiska

0
287

Madaxweynaha Golaha Yurub ayaa sheegay in nolosha dadka ay noqon doonto muhiimadda koowaad marka ay timaado go’aanada wada-xaajoodyada Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.

Donald Tusk ayaa sheegay in muwaadiniin kasoo jeeda dhammaan dalalka Midowga Yurub ay ku nool yihiin, ka shaqeeyaan, waxna ka bartaan Britain.

“Waxaan u baahannahay inaan go’aan ka gaadhno waxa ay noqon doonto xaaladda dadkaas marka ay Britain ka baxdo Midowga Yurub” ayuu yidhi.

Tusk waxa uu sheegay in Britain sidoo kale looga baahan yahay inay qadariso dhammaan “waajibaadyada maaliyadeed” ee ay qaadatay markii ay xubinta ka ahayd Midowga Yurub.

Tusk ayaa ku gacan seedhay codsiga ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ee ku saabsan in wada-xaajoodyo is dhinac socda oo ku saabsan ka bixitaanka Midowga Yurub iyo heshiisyada ganacsi ee mustaqbalka ay la furto Midowga Yurub.

“Marka aan horumar ka gaadhno ka bixitanka, ayaan ka wada-hadali karnaa xidhiidhada mustaqbalka” ayuu yidhi Tusk.

 

 

Leave a Reply