Hoggaamiyeyaasha Koofur Afrika oo ku kala Qeybsamay Eryidii Wasiirka Maaliyadda

0
260

Madaxweyne kuxigeenka South Africa  Cyril Ramaphosa ayaa ku tilmaamay in ay tahay gebi ahaanba mid aan la aqbali Karin xil ka qaadista wasiirka maaliyadda  Pravin Gordhan.

Mr Gordhan  oo uu madaxweyne Zuma habeen hore saqdii dhexe ku soo saarey isku shaandheyn  uu sameeyay ayaa loo arkayay inuu udub dhexaad u ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa maamulkaasi oo ay la daadegdegtay dhaliisha isa soo tareysa ee ka hadleysa wax is daba marinta.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa ku sheegay khudbaddii uu habeen hore  saqdii dhexe jeediyey ee isku shaandhaynta golaha wasiirrada in uu uga gol-leeyahay “isbeddel dhaqan-dhaqaale oo xoog leh”, laakin eryidda dadka siyaasadihiisa diiddan iyo magacaabista kuwa daacadda u ah ayaa sida muuqata ah mid siyaasadeed.

Horraantii todobaadkan ayaa wasiirka maaliyadda, Pravin Gordhan, wuxuu joogay London, ayadoo ujeedadiisu ahayd inuu dib ugu xaqiijiyo maalgaliyeyaasha inay ku kalsoonaadaan dhaqaalaha waddanka, laakinse eryidiisa ayaa yeelan doonta saamayn bil-caksi ah.

Lacagta Rand ee Koofur Afrika ayaa qiimaheedu uu hoos u dhacay isla markii la magacaabay ninkii isaga beddeli lahaa, oo ah nin aan khibrad badan u lahayn arrimaha dhaqaalaha, laakinse taageere weyn u ah madaxweyne Zuma.

Waxaa jira  jawaabo kulul oo soo baxaya  kuwaasoo isugu jira kuwo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed, ayadoo madaxweynuhuna uu la daalaa dhacayo eedeymo musuqmaasuq iyo wax loogu magac daray “dal qabsasho” oo ah saamaynta siyaasadeed ee ay leeyihiin qoys uu muran ka taagan yahay.

Heshiis ay Ruushka la galeen oo ku saabsan in la sameeyo warshad tamarta ka samaysa nukliyeerka ayaa laga ayaabaa inuu soo noolaado, dadka wax indha indheeyana waxay la yaabban yihiin bal haddii loola jeedo “isbeddelka xoogga leh” hadalladiisii ugu dambeeyey ee uu ku sheegay in dhulalka lala laaban doono ayadoo aan magdhow dadka la siin.

 

Leave a Reply